Saturday 25 February 2012

Afhayeenka Al-Shabaab: Marxaban Ayaan Leenahay Beycada ay Nala Galeen Mujaahidiinta Buuraha Galgala (Dhageyso)

Saturday, February 25th, 2012 at 08:44 pm
Afhayeenka Al-Shabaab: Marxaban Ayaan Leenahay Beycada ay Nala Galeen Mujaahidiinta Buuraha Galgala (Dhageyso)
Comments (0) | Write Comment




Facebook Recommendations
Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] ayaa si diiran u soo dhoweeyay hadal uu maanta shaaciyey afhayeen u hadlay kooxda ka dagaalanta buuraha Galgala ee gobolka Bari oo ay ku sheegeen inay kula midoobeen ururada Al-Qaacida iyo Al-Shabaab.
Cali Dheere oo galabta shir jara’id qabtay ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo ku soo biirista ay ka dhawaajiyeen maleeshiyada ka dagaalanta Galgala isagoo sheegay in midnimada ay timid waqti muhim ah.
“Maanta oo taariikhda hijriga tahay 3-da Rabiicul Thani waxaan markale ugu bishaareyneynaa dadka Muslimiinta midow ay midoobeen mujaahidiintii ka dagaalami jirtay buuraha Galgala ee gobolka Bari kuwaasoo runtii cadawga Ilaahay Ashahaado la dirirka lagu magacaabo ee ka hawgala Puntland dagaal xoog leh kula jiray iyagoo deegaanada ay joogeen ka hirgaliyey Shareecada Illaahay SWT raayada tawxiidkanaka taagay.” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo kahadlay hadalka ka soo yeeray kooxda ka dagaalanta buuraha Galgala.
“Waxaan anaguna leenahay marxaban soo dhowaada, midnimada mujaahidiinta waa wax loo baahan yahay waqtigan hadda aan ku jirno oo ay isbahaysteen gaalada caalamka.” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Cali Dheere wuxuu sheegay inay waajib tahay inay midoobaan iyaga iyo kooxda Galgala isagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin.
“Amiirkooda Sheekh Yaasiin Kilwe wuxuu sidaad ka maqasheen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga beecyo la galay amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin isagoo cadeeyey inay junuud iyo ciidan ka tiraan Xarakada Shabaab yihiin”, ayuu hadalkiisa ku daray Cali Dheere. 
Maanta ayaa cod laga baahiyey idaacadda Al-Shabaab ayaa laga maqlay nin magaciisa ku sheegay Sheekh Yaasiin Khaalid Cismaan [Yaasiin Kilwe] oo sheegtay inuu yahay hogaamiyaha mujaahidiinta Galgala kaasoo ku dhawaaqay inay toos ugu biireen Al-Shabaab iyo Al-Qaacida oo iyaga laftooda midoobay 9-kii bishan Febraayo. [Halkan ka akhri kooxda Galgala oo ku biirtay Al-Shabaab]
Kooxda Atam
Kooxda maleeshiyada ee uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa ka dagaalanta buuraha Galgala oo xagga koonfur galbeed ka xiga magaalada dekeda ee Boosaaso.
Maamulka Puntland ayaa bishii Agoosto 2010 ku dhawaaqay inay soo afjareen maleeshiyaadka Galgala ka dagaalama ka dib dagaalo culus o ciidamada Puntland iyo kooxdan ku dhexmaray deegaanka Galgala iyo dhulka buuraleyda ee ku teedsan.
Hase yeeshee waxay kooda mar walba soo qaadi jirtay illaa haddana wadaa wereraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo ay ka geysato deegaano ku dhow Galgala.
Bishii May sanadkii 2010 ayaa Maxamed Siciid Atam oo ah nin Qaramada Midoobay ay u aqoonsan tahay nin ka ganacsada hubka xiriirna la leh Al-Shabaab, wuxuu baraha internet-ka ee ay adeegsadan ku faafiyey hadal uu ku sheegayey inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-Shabaab, laakiin maalmo ka dib Atam laftiisa ayaa haddana warkaasi beeniyey isagoo sheegay inuu u dagaalamayo xuquuqda dadka reer Galgala oo uu sheegay in Puntland dhibaato ku heyso.
Waa kuma Yaasiin Kilwe
Amiirka cusub ee isku magacaabay hogaamiyaha kooxda ayaan la xaqiijin karin jiritaanka hogaamiyanimadisa kooxda maadaama uu kooxda hogaaminayey Maxamed Siciid Atam.  Dhowr jeer ayaa warbaahinta AL-Shabaab ay soo xigatay rag kala duwan oo sheeganaya afhayeenimada kooxda ka dagaalanta Galgala.
Dadka ka faalooda arimaha kooxaha islaamiyiinta ayaa sheegaya inay aad u yar tahay waxa ay kooxda Galgala ku kordhin karto Al-Shabaab iyo Al-Qaacida  oo labaduba taagdari weyn oo xagga militariga iyo dhaqaalahaba uu soo wajahay.
 
DHAGEYSO CODKA SHEEKH CALI DHEERE  
 
 
 
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
 
 

Tags: Sheekh Cali dheere

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...