Friday 27 January 2012

Somaliland oo Markii 2-aad ku fashilantay qabsashada Buuhoodle.


Written by Administrator on .
somalimemo.netCiidamada maamulka Somaliland ayaa maanta markale weerar kusoo qaaday degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn oo ay gacanta ku hayaan maleeshiya beeleed deegaanka ah.

Wararka ka imaanaya Buuhoodle ayaa xaqiijinaya in ciidanka Somaliland ay ku guul dareysteen qabsashada magaalada kadib markii ay iska caabin kala kulmeen dadka deegaanka.

Dagaalka oo ka dhacay duleedka Buuhoodle ayaa wejigii hore ee dagaalka lagusoo jebiyay maleeshiyaadka deegaanka balse gurmad ay heleen oo Dhabar jebin ku sameeyay ciidanka somaliland ayay ku guuleysteen in ay iska Eryaan ciidankii duulaanka kusoo qaaday.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo sheegay in uu kala gaaray labada dhinac ee Buuhoodle ku dagaalamay, sarkaal u hadlay Jabhadda SSC ayaa sheegay in dhankooda ay iska difaaceen wax uu ugu yeeray Cadaw magac qabiil wata.

Maamulka Ashahaadda ladirirka Somaliland ayaa isna qiray in ciidankoodu weerar qaadeen balse waxay diideen in weerarkaasi looga gol-lahaa qabsashada magaalada Istiraatiijiga ah ee Buuhoodle

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...