Sunday 29 January 2012

Meydka Agaasimihii Shabelle Oo Maanta Lagu Aasay Muqdisho (Sawirro)


 
Share
Meydka Agaasimihii Idaacadda Shabeelle oo maanta lagu aasay Muqdisho
Meydka Agaasimihii Idaacadda Shabeelle oo maanta lagu aasay Muqdisho
Muqdisho (RBC) Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho agaasimihii Idaacadda Shabelle Xasan Cusman Cabdi (Fantastic) oo xalay fiidkii kooxo hubeysan ay ku dileen xaafada Nasteexo ee degmada wadajir ee gobalka Banaadir.
Aaska Agaasimihii Shabeelle ayaa waxa uu ka dhacay qabuuraha Baghdad ee duleedka degmada Wadajir, halkaas oo ay ka qeyb galeen suxufiyiinta ka howlgalka caasimada iyo ururada u dooda xuquuqda saxaafada, iyo dad ka kala socday dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas goobta ka muujiyay sida ay uga xun yihiin dilka wariye Xasan Cismaan Cabdi.
Meydka agaasimihii Shabelle ayaa saaka oo Axad ah laga soo qaaday isbitaalka Madiina halkaas oo xaley fiidkii markii la toogtay isagoo dhaawac ah la dhigay inkastoo uu mar dambe ku dhintay.
qaar ka mid ah wariyaasha ka qeyb galay aaskii maanta
Qaar ka mid ah wariyaasha ka qeyb galay aaskii maanta
Janaasada meydka ayaa lagula tukaday gudaha Isbitaalka Madiina salaada ka hor inta aanan loo soo qaadin qabriga Bagdaad ee duleedka Madiina, waxaana meydka soo galbiyay gawaari ilaa inta laga keenay qabriga.
Aaska marka uu soo dhaamaday waxa saxaafadda kula hadlay goobta wiil ay walaalo yihiin Marxuum Xasan kaa oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan Cabdi wuxuu ka warbixiyay taariikhda Agaasimihii Shabeelle oo kooban.
Wuxuu Yiri “Xasan waxa uu ku dhashay degmada Jilib ee gobalka Jubadda Dhexe sanadkii 1981-dii , waxa uu ku barbaaray oo ku wax ku bartay Muqdisho ilaa dugsiga sare, muusan ka bixin jaamacad, waxa uu howlaha saxaafada ku biiray mudo iminka laga joogo afar sano, waxaana uu ifka uga tagay 3 carruur ah iyo xaas.”
Wiilka la dhashay agaasimihii Idaacadda Shabelle oo la hadlay RBC Radio
Wiilka la dhashay agaasimihii Idaacadda Shabelle oo la hadlay RBC Radio
Xassan Cusman Cabdi, oo ahaa 29-jir aya waxa uu ahaa Agaasimaha Shabeelle, sidoo kale waxa uu si madax banaan ula shaqeenaayay TV-ga CNN-ka ee dalka Maraykanka.
Kooxo hubeysana ayaa rasaas ku furay Xasan  isagoo ku sii jeeday gurigiisa degmada wadajir ee magaalada Muqdisho, waxa la sheegay in rasaasta ay kaga dhacday madaxa iyo xabadka sida uu sheegay wariye ka tirsan Shabeelle.
Wuxuu noqonaya agaasimihii seddaxaad ee laga dili shabeelle sanadkii 2007-da ayaa kooxo hubeesan waxa ay muqdisho ku dileen Bashiir Nuur Geed iyadoo sanadkii 2009-ka la dilay Mukhtaar Maxamed Hiraabe.
Meydka Xasan Cismaan oo la dhigay qabriga
RBC Radio
Xaf
iiska Wararka Muqdisho
______________________________________________________
Sawirqaade: Xasan Yuusuf 

1 comment:

Anonymous said...

wonderful put up, very informative. I ponder why the other specialists of this sector don't understand this. You must proceed your writing. I am confident, you have a great readers' base already!


Review my blog post; patio doors

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...