Saturday 28 January 2012

Ciidanka Itoobiya ee Beled Weyne Qabsaday oo Qafaashay shacab badan oo uu kamid yahay madaxii Shirkadda ee hormuud Hiiraan.


Written by Administrator on .
somalimemo.netCiidamada Gumeysiga Itoobiya ee xoogga ku qabsaday magaalada Beled Weyne ee wilaayada Hiiraan ayaa maanta dhibaatadii ugu xooganeed ugu geystay shacabka Muslimiinta magaaladaasi.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Beled Weyne ayaa xaqiijinaya in maanta barqadii ay ciidamada Itoobiya ay suuqa weyn ee magaalada ka raafeen ganacsato iyo culimaa'udiin magaalada deganaa.

Ciidanka Itoobiya ayaa shacabka ku xaabiyay gaadiid nuuca dagaalka ah waxayna geeyeen Buurta Janta Kuundisho oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidanka Itoobiya.

Dadka ay Itoobiyaanku xireen waxay ubadanyihiin ganacsato iyo culimaa'udiin caan ka ah magaalada, saraakiisha Itoobiya ayaa ku Eedeeyay dadka ay qabteen in ay weli ku dheganyihiin ku dhaqanka shareecada Islaamka gaar ahaan awaamirtii maamulkii Mujaahidiinta ee magaalada.

Dadka laxiray waxaa kamid ahaa Madaxii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Beled weyne Maxmed Sabriye Nuur, Dadaallo ay sameeyeen Waxgaradka magaalada ayay ku guuleysteen in lasoo daayo Maxamed Sabriye waxaase weli gacanta Itoobiyaanka ku jiray shacab badan.

Ciidamada Itoobiya ayaa cadaadis xoogan saaray shacabka magaalada tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Istish-haadiga ahaa ee isbuucii lasoo dhaafay lagula beegsaday magaalada Beled weyne.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...