Sunday 29 January 2012

Ciidamo Ethiopian ah oo Saaka Qarax Lagula Beegsaday Beledweyne


 
Share
Beledweyne (RBC) Qarax loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa saaka ku qaraxday baabuur ay wateen ciidamada Ethiopia oo marayey agagaarka buundada magaaladaasi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in miinada ay ku qaraxday baabuur noociidu yahay URAL oo ay isticmaalaan ciidamada Ethiopian-ka kaasoo marayey xaafada Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.
Lama oga khasaaraha dhinmasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxaasi, hase yeeshee sida goob joogayaal sheegeen waxaa khasaare uu gaaray baabuurkii ciidamada Ethiopian-ku saarnaayeen.
Idaacadda ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa uu ahaa weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaaladaasi.
Saraakiisha maamulka Dooxada Shabeelle ayaan ka hadlin qaraxa saaka ka dhacay Beledweyne.
Qaraxan saaka ka dhacay magaalada Beledweyne aya ku soo beegmay toddobaad ka dib markii baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ay Al-Shabaab la beegsadeen xarun ay degan yihiin ciidamada Ethiopia oo ku taalla magaalada Beledweyne.
Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada dad kor u dhaafaya 20 ruux oo u badan ciidamada Ethiopia.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...