Monday 30 January 2012

Ciidamadii Ugu Badnaa Ee Ethiopia oo Wata Taangiyo oo Soo Gaaray Degmada Luuq (Faahfaahin)

Ciidamadii Ugu Badnaa Ee Ethiopia oo Wata Taangiyo oo Soo Gaaray Degmada Luuq (Faahfaahin)

 
Share
Muqdisho (RBC) Ciidamadii ugu badnaa ee wadanka Ethiopia oo shalay ka soo gudbay soohdinta Doolow ayaa maanta soo gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Ciidamadan oo aan tiradooda la cadeyn karin laakiin dadka deegaanka ay ku tilmaameen kuwii ugu badnaa ayaa wata taangiyo iyo madaafiicda culus ee baabuurta lagu jiido. Waxayna maanta ciidamadaasi fariisimo kala durugsan ka sameysteen duleedka degmada Luuq.
Dad ku sugan degmada Luuq oo aan rabin in magacooda aan faafino amaanka dartiis ayaa Raxanreeb u sheegay in saraakiisha ciidamada Ethiopia maanta ay kulan la qaateen saraakiil ciidan oo Soomaali ah kuwaasoo degmada Luuq ka tegey. Mana cada waxa ay ka wada hadleen labada dhinac.
Waxay dadka noo sheegeen in ciidamada oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ay iyagoo lugeynaya maanta duhurkii degeen duleedka degmada Doolow.
Illaa hadda ciidankan Ethiopian-ka ayaan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah, waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in ciidamada Ethiopian-ka ay ku wajahan yihiin gobolada Baay iyo Bakool oo ay maamusho Xarakada Al-Shabaab.
Ciidamo fara badan oo Ethiopian ah ayaa hore ugu sugnaa gobolada Gedo iyo Hiiraan oo ay kula dagaalameen ciidamada Al-Shabaab. Sidoo kale tan iyo 2009 markii ay Ethiopian-ka ka bexeen Soomaaliya waxay had iyo jeer soo geli jireen dalka marka ay rabaan, hase yeeshee ciidanka cusub ee maanta soo gaaray degmada Luuq ayaa ah kii ugu badnaa ee Ethiopia mar kaliya degmada Luuq keento. Waxayna u muuqdaan inay qeyb ka yihiin duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay wada wadaan DKMG, Kenya iyo Ethiopia kaasoo ka socda gobolada koonfurta Soomaaliya.
Warbixin labo toddobaad ka hor ay shaacisay Shabakadan Raxanreeb ayaa tilmaameysay qorshe loo dejiyey ciidamada Ethiopia inay ku qabtaan gobolada Baay iyo Bakool ugu dambeyn dhamaadka bisha Febraayo ee fooda nagoo soo heysa.
Soo gelitaanka ciidanka Ethiopia
Soo gelida ciidamada Ethiopia waxay hadda ku soo beegantay iyadoo magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia uu ku sugan yahay madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed oo ka qeybgalaya shir madaxeedka Midowga Afrika.
Toddobaadkan gudihiisa ayaa madaxda wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo shirkoodii 20aad ku yeeshay Addis Ababa waxay amaan u soo jeediyeen ciidamada Ethiopia oo Al-Shabaab ka saaray Beledweyne, inkastoo ciidamada Kenya lagu dhaliilay inaysan illaa hadda dhaafin degmooyinka soohdinta saaran tan iyo markii ay soo galeen bishii Oktoobar 2011.
DKMG ah ee Soomaaliya ayaa horey u cadeysay inay ciidamada Ethiopia ka codsadeen inay magaalooyinka ay joogaan Al-Shabaab ay dawlada u qabtaan.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...