Sunday 29 January 2012

Afhayeenka Isimada Puntland: Somaliland Gumaadka Shacabka Buuhoodle Ha Joojiso!!!!!!.


Share
Boosaaso[RBC Radio] Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdillaahi Cali Ciid ayaa ka dhawaajiyey in marnaba aanan loo dul-qaadan karin gardarada iyo gumaadka ba’an ee ay Soomaliland ku hayso Shacabka Buuhoodle,wuxuuna tilmaamay in Dawlad iyo shacabka la garab istaago Walaalahooda Buuhoodle kuwaas oo kali aanan ku ahayn dagaalka.
Garaadka Cabdillaahi oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa ku sifeeyey duulaanka Soomaaliland ee Buuhoodle gardaro aanan marnaba geed loogu soo gaban si weyna ay u canbaareynayaan haddii ay yihiin Isimada Puntland.
Sidoo kale wuxuu sheegay in degmada Buuhoodle ay ka tirsantahay dhulka Puntland difaaceedana ay saarantahay Dawladda Puntland loogana baahanyahay difaacida Shacabkeeda arrintuna aysan noqon Canbaareyn oo kaliya.
Shacabka ku dhaqan Buuhoodle ayuu sidoo kale u diray fariin ah in ay si midaysan meel uga soo wadajeestaan  gardarada iyo duulaanka ay Shacabka ku hayso Soomaalilana lana garab istaago Shacabkaas.
Afhayeenka Isimada Puntland ayaa xusay in il gaar ah ay Beesha Caalamka ku eegto gumaadka iyo xadgudubyada joogtada ah ee lagu hayo Shacabka kunool Buuhoodle ugana digto Soomaaliland falaka caynkaas ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...