Saturday 31 December 2011

Warqad Furan: C/laahi Yuusuf, C/qaasim iyo Farmaajo oo Saxiixay Warqad Furan oo Ku Saabsan Qodobadii Mabaadii’da Garowe (Akhriso)


 
Share
RBC Radio (Nairobi) Warqadaan furan oo ay nooga timid Talo iyo Tusaale Forum waxaa soo diyaarshay Talo iyo Tusaale Forum waxa ayna ku qorneyd luuqada Ingiriiska ah bahda Raxanreeb.com ayaa akhristayaasheeda dartood ugu soo tarjuntay afkeena hooyo ee Soomaaliga ah waxa ayna ku bilaabaneysaa  sidatan hoos ku qoran.
To: Ban ki-Moon, UN Secretary General
CC: UN Security Council
CC: The African Union
CC: The Arab League
Warqad furan oo ku saabsan “Mabaadii’da Garowe”
Anagoo ah muwaadiniin Soomaaliyeed, hogaamiyaashii hore iyo shakhsiyaad ka tirsan bulshada rayidka waxaan aad uga walaacsanahay qodobada “Mabaadii’da Garowe” ee la saxiixay Disembar 24-keedii oo ay saxiixeen lix siyaasi iyadoo uu martigeliyey Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasada Soomaaliya [UNPOS].   Heshiiskaasi wuxuu ahaa mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba wax dhaawacaya.  Haddii looga dan lahaa in lagu dhameeyo wajiga xaalada KMG ee hadda lagu jiro, wuxuu abuuray khilaaf kale oo weyn.
In shirka lagu qabtay gudaha Soomaaliya waxay ahayd tallaabo lala dhaco, iyo sidoo kale in la soo jeediyey yareynta baarlamaanka KMG (oo laga dhigo 225 halkii uu ka ahaa 550 mudane), shirka Garowe wuxuu lahaa fursad suurtagal ah balse la lumiyey.   Deganaasho siyaasadeed waxay ku xiran tahay in la helo xal sharci ah oo hoosta ka xariiqaya dhibaatada siyaasadeed.  Shirka Garowe wuxuu awood gaar ah iska siiyey dhowr shakhsi inay maareeyan hay’ada qaranka.   Heshiiska Garowe wuxuu ku guuldareystay inuu wajaho dhibaatoyinka ugu daran; metelaad la’aan siyaasadeed oo daacad ah oo aan jirin darteed.
Anagoo taasi tixraaceyna, waxaanu tilmaameynaa 5 qodob oo soo socota:-
1- “Mabaadii’da Garowe” waxay xoriyad daro ku rideysaa shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna heshiiska Garowe duudsiiyey shacabka xaqooda soo jireenka ah ee ah inay soo xushaan hogaankooda.  Waxaa xaqa aas aasiga ah la siiyey siyaasiyiin fara-ku tiris ah, tasoo ay dheer tahay in heshiiskaasi uu yahay khatar shaki badan ku jiro iyadoo dadka lagu tilmaamay “KUWA TALADU KA GO’DO” inay siday u arkaan u tarjumaan inay ku filan tahay.  Lixda siyaasi waxaa la siiyey inay saameyn ku yeeshaan soo xulida iyo dhisida baarlamaanka cusub iyo sidoo kale masuuliyiinta siyaasadeed ee mustaqbalka.  Shakhsiyaadka lagu tilmaamay “KUWA TALADU KA GO’DO” ma ahan kuwo metela mushtamaca Soomaaliyeed guud ahaantiis.  Inay hadda dhexda kaga jiraan qaabeynta mustaqbalka Soomaaliya waxay duleel weyn ku noqoneysaa dib u heshiisinta iyo nabadda la gaarey dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.  Hogaamiyaasha DKMG, Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna Waljeemaca, halka iyaga loogu yeeray inay gacan ka geystaan qaabeynta mustaqbalka dalka sida MUWAADINIMO ahaan, waa inaysan noqonin arin gaar loogu dhiibay iyo inay kaalin gaar ah ay u noqoto inay go’aan ka gaaraan mustaqbalka siyaasadeed.  Habkan qaloocan ee lagu xalinayo arinta Soomaaliya waa la tijaabiyey waana la isku dayay hore laakiin natiijadu waxay noqotay mushkiladii oo soo noqnoqotay.
2- Heshiiska Garowe wuxuu waxba kama jiraan ka dhigayaa Axdiga Qaranka KMG, wuxuuna ku bedelayaa baarlamaanka KMG gole loogu magacdaray “Golaha Wakiilada Qaranka”.  Golhaasi oo tiradiisu aaad u badan tahay isla markaana waxaa uu soo xulanayaa xubnihiisa taasoo abuureysa hay’ad aan sharci ahayn.
3-Mabaadii’da Garowe iyadoo uu si marin habaabin ah wadada ugu xaarayo sida loo dhameyn karo mudada KMG, haddana xaqiiqo ahaan wuxuu sii kororanayaa waqti kale kaasoo la yiraahdo “PROVISIONAL”.  Ereyadan ayaa ka horimaanaya Axdiga Qaranka KMG ah, qorshaha habraaca mudada kalaguurka “roadmap” iyo heshiiskii Kampala “Kampala Accord”. Dhamaantoodna waxay sheegayaan in mudada KMG lagu dhameeyo bisha August 2012.
4-Dadka saxiixay heshiiska Garowe waxaa ku jira afhayeenkii hore ee baarlamaanka KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo la og yahay in tiro aqlbiyad xadhaaf ay oo ka mid ah baarlamaanka ay xilkii ka qaadeen horaantii bisha Disembar, UNPOS waxay ogolaatay in Shariif Xasan uu ku saxiixo heshiiska sidii “AFHAYEEN BAARLAMAAN”. Talaabadani waxay si caddaan ah u sharcidaro uga dhigeysaa hay’ada sharcidejinta ee dalka, waxayna maja xaabineysaa masuuliyada dastuuriga ah, waxayna ku xadgudbeysaa madax bannaanida hay’adaheena qaran.  UNPOS waxay si iskeed ah u dooneysaa inay buriso go’aanka baarlmaanka.
5-Metelaad a’aanta siyaasadeed ayaa ah barta mushkilada Soomaaliya. Halkii mushkiladaasi diirada la saari lahaa si caddaalad ah, UNPOS waxay ku bariiqatay nuxurka siyaasadeed iyadoo awooda siisay kuwa lagu sheegay “DADKA TALADU KA GO’DO”.  Heshiiskan wuxuu sii fogeynaa dhibaatada Soomaaliya.
Iyadoo maskaxda lagu hayo dhibaatooyinka la soo sheegay:-
1- Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay inay si deg deg ah u soo farageliyaan una saxaan xaalada.  Mabda’a koowaad waa inaan waxyeelo la abuurin. Beesha caalamka waa inay ku caawiso sidii xaalada loo fududeyn lahaa ee ma ahan inay uga sii darto.
2- Isbedel siyaasadeed oo cusub ayaa loo baahan yahay. Xubnaha cusub ee loo xulayo baarlamaanka Soomaaliya waa inay yihiin gole loo dhan yahay oo ay hogaaminayaan odayaasha dhaqanka, ee ma ahan inay hogaamiyaan siyaasiyiin daneystayaal ah.  Wakiilada qabaa’ilka waa in lagu soo gudbiyo shirweyne qaran waana inay heystaan awooda ay ku soo xuli karaam sharci dejiyaasha iyadoo lala tashanayo wakiilada deegaan ee la qadariyo.  Iyadoo ujeedka yahay in la qabto doorashooyin toos ah markasoo xaalada amaan ee lagu jiro ay saamaxdo, habkani waxaa lagu qiyaasi karaa habeyn ku meel gaar ah.
3- Illaa laga helayo baarlamaan cusub, beesha caalamka waa inay xoojisaa hay’adaha hadda jira waana inay tixgelisaa marxalada si kastoo ay u jilicsan tahay.
Waxaanu rajeyneynaa in UNPOS iyo qeybaha kale ee bulshada caalamka inaysan markale hareer marin fursad kale oo lagu sameyn karo isbedel la taaban karo. Qwaa in la helaa hab cusub oo weyn oo wax lagu saxayo.
Waxaa saxiixay:
1. Abdullahi Yusuf Ahmed, former Somali president
2. Abdulqasim Salad Hassan, former Somali president
3. Mohamed Abdullahi “Farmaajo”, former Somali prime minister

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...