Tuesday 27 December 2011

Raysal Wasaare Cabdiweli Gaas oo Soo Gaaray magaalada Boosaaso [Sawiro]


Share
Boosaaso [RBC Radio] Raysalwasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,waxaana Wafdiga iyo Raysalwasaaraha ku weheliyey booqashadiisa  Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole.

Boqolaal dadweyne oo fara badan ayaa si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada  Qardho, kuwaas oo kaga hortagay Raysal wasaaraha, Madaxweynaha Puntland iyo labada Wafdi meel inyar u jirta magaalada una soo gelbiyey.

Raysalwasaare Gaas oo kasoo ambabaxay magaalada Garoowe xili hore oo maanta ah isaga iyo Madaxweyne Faroole ayaa soo maray magaalada Qardho ee gobolka Karkaar,waxaana uu sheegay isaga oo la hadlaayey Shacabka ku dhaqan magaalada Qardho in booqashada uu ku yimid ay qeyb ka tahay Safarkii uu kusoo gaaray magaalada Garoowe ayna  ku talagaleen in isaga iyo Wafdigiisa ay yimaadaan Qardho iyo Boosaaso.

Mudane Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Qardho ay tahay Senterkii Waxbarashada Puntland iyo Soomaaliya waana in ay hesho Waxbarasho, waxaana intaas ku daray in isaga iyo Marwadiis ay yihiin Macalimiin Jaamacadeed ayna wax ka dhigi doonaan kana noqon doonaan macaliim.

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole oo isna la hadlay Shacbka Qardho ayaa sheegay in marka hore dadka Qardho ku dhaqan uga mahadcelinayo sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen Wafdiga Raysalwasaaraha iyo kan uu isagu hoggaaminayey,waxaana uu ka dhawaajiyey in ay jiraan dhibaatooyinka isugu jira biyo la’aan iyo xaaluf balse ay Dawladiisu ku dadaaleyso in ay wax ka qabato arrimahaas.

Dawladda KMG ah ayaa Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole waxa uu ka codsaday in ay ka hirgeliso magaalada Qardho ceel-biyood ay si weyn uga faa’ideystaan Shacabka kunool Qardho oo si aad ah ugu baahan.
Intaasi ka dib ayaa Raysalwasaaraha,Madaxweyne Faroole iyo labada Wefdi waxa ay yimaadeen magaalada Carmo ee gobolka Bari,waxaana ay booqdeen Kuliyada Tababarka Ciidamada ee Carmo,Raysalwasaare Gaas oo ay la socdeen Raysalwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo Raysalwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Ganacsiga DKMG ah Cabdiwahaab Ugaas Khaliif iyo Kuxigeenka Warfaafinta Cabdillaahi Bile Nuur ayaa mid mid kormeer ugu sameeyey qeybaha kala duwan ee Kulliyada.
Wasiirka Amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan
Raysalwasaaraha DKMG ah Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  hadalo kooban  ka jeediyey Mudane Gaas,waxaana uu sheegay in Dugsigan uu yahay mid lagu Tababari karo Ciidamada Soomaaliya kuwaas oo aan u baahneyn in dibada loo qaado si loogu soo Tababaro,waxaana uu sidoo kale amaan usoo jeediyey Shacabka degmada Carmo.
Raysalwasaaraha,Madaxweyne Faroole iyo labada Wefdi ayaa markii danbe soo gaaray magaalada Boosaaso galinkii danbe ee galabta,waxaana Wadooyinka magaalada lagu arkaayey dadweyne farabadan oo u sabtumaya kuwaas oo Caleemo qoyan gacmaha kuwata,waxaana loo gelbiyey Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso,waxaane ay ka gaabsadeen in Saxaafada siiyaan wax hadal daalka haya awogiis,waxaan ay sheegeen maalmaha soo socda in ay la hadli doonaa Shacbka Boosaaso.
Si kastaba ha ahaatee Booqashada uu ku yimid Rayasal wasaaraha Dawladda KMG ah Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdigiisa ayaa noqonaysa tii ugu horeysay oo uu ku yimaado muddo 11-sano ah,waxaana inta uu joogo uu booqan doonaa Suuqii gubtay ee Boosaaso,Dekadda iyo Garoonka diyaaraha.
SANYO DIGITAL CAMERA
SANYO DIGITAL CAMERASANYO DIGITAL CAMERA
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Boosaaso

1 comment:

Anonymous said...

Hі I am Stuart, it's my first occasion commenting on a site. When I read this article I thought I would comment due to its informative content on the matter. Well done.

Here is my web-site; fast unsecured cash loans

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...