Thursday 29 December 2011

DEG DEG: Dhakhtar u Shaqeynayey MSF-Bilgium oo Goordhow Muqdisho Lagu Dilay

Share
Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu toogtay dhakhtar u dhashay wadanka Belgium oo u dhaqeynayey hay’ada MSF-Belguim oo ka hawlgasha magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in dhakhtarka oo ku sugnaa xarunta hay’ada MSF-Belguim ay ku leedahay agagaarka Zoppe [KM5] ee magaalada magaalada uu toogtay mid ka mid ah shaqaalaha hay’adaasi oo Soomaali ah oo ku hubeysnaa bastoolad.  Wuxuuna dilku ka dhacay gudaha xarunta hay’ada oo ku taalla xaafada Zoppe.
Waxaa falkaasi ku dhaawacmay nin kale oo dhakhtar ah una dhashay wadanka Indonisiya kaasoo isaguna ku sugnaa isla xarunta.  Waxayna wararka sheegayaan in ninka Indonisiyaanka dhaawaciisu uu yahay mid culus.
Ninkii dilka geystay ayaa la qabtay ka dib markii ay rasaastu ka dhamaatay, waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada DKMG ah.
Xarunta hay’ada MSF ee deegaanka Zoppe ee dilku ka dhacay ayaa waxaa gaarey ciidamo ka tirsan booliska kuwaasoo hadda ka wada baaritaan.
Waxaan goor dhow la xiriirnay madaxa hay’ada MSF ee Muqdisho hse yeeshee wuxuu diiday inuu ka hadlo dhacdadan.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...