Saturday 31 December 2011

DEG DEG: Dagaal Xoogan oo ka Socda Duleedka Magaalada Baledweyne

Share
Muqdisho (RBC Radio) Deegaan kuyaala dhinaca koofur Galbeed ee Magaalada Baledweyne ayaa xiligaan waxaa ka bilowday dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab.
Dagaalkaan ayaa waxaa lagu waramayaa in uu ka socdo deegaanka Luuq Jeelow oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baledweyne, waxaana la sheegayaa in dagaalkaan uu yahay mid xoogan.
Wali lama oga in uu khasaaro geestay dagaalkaan iyo waliba in kale inkstoo uu haatan wali halkaasi ka socdo dagaalka xoogan ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Dowlada KMG.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay isku fidiyeen gudamaha magaalada Baledweyne,waxaana deegaanka uu haatan ka socdo dagaalka uu yahay mid ay ku sugan yihiin wali ciidamada Al-Shabaab.
Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaan wali ka socda qaybo ka mid ah gobalka Hiiraan iyo waliba ciidamada dowlada oo kala wareegay gacan ku haynta xarunta gobalka.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...