Sunday 30 October 2011

Qiimaha sarifka lacagaha Qalaad ee Suuqyada magaalada Muqdisho oo laga dareemay hoos u dhacii ugu weynaa muddo sanado ah

(WARBIXIN GAAR AH)
Suuqyada lagu sarifo lacagaha Qalaad ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemay maalmahan hoos u dhac xoogan oo ku yimid qiimaha lagu sarifo lacagta dolarka Maraykanka iyo lacagaha kale ee qalaad, marka loo bedelayo shilinka Soomaaliga, iyadoo hoos u dhacaasna ay ganacsatada Soomaalida ku tilmaameen kii ugu weynaa ee muddo sanado ah oo la dareemo.
Qiimaha la kala siisto sarifka oo bil ka hor ahaa $-100-kii dollar ilaa 3,000,000 (Saddex milyan Shso) ayaa bishan gudaheeda hoos u sii dhacayey maalinba maalinta ka dambeysa isagoo hadda soo gaaray qiime wax yar ka badan 2,600,000 (Labo milyan iyo lix boqol oo kun Shso), waxaana ka dhacay lacag gaaraysa ilaa afar boqol oo kun Shso.
Hoos u dhaca ku yimid qiimaha dollarka iyo kor u kaca qiimaha shilin Soomaaliga ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay qoysaska soomaaliyed ee dibedaha dadka eheladooda ah ka biilaan iyo kuwa shaqeeya ee mushaharka ku qaata lacagaha dolarka, kuwaasoo ku cabanaya in lacagtii shilin soomaaliga aheyd ee ay ku bedelan jireen lacagaha dolarka ay yaraatay, qiimaha cuntada iyo waxyaabaha daruuriga ahna aysan waxba iska bedelin, taasoo ay sheegeen iney ku keentay ciriiri badan.
Qaar ka mid ah ganacsatada sariflayaasha magaalada Muqdisho oo aan wax ka weydiinay sababaha keenay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagaha Qalaad ayaa waxay sheegeen iney ug wacan tahay labo arimood oo mida koowaad ay sheegeen iney tahay maadaama lagu jiro xiliga miyuusamka xajka ganacsatada xoolaha u dhoofisa dalka Sacuudiga oo lacago badan oo dolar ah suuqa soo geliya kana qaata lacago shilin Soomaali kaash ah, si ay xoolo ugu soo iibsadaan maadaama dadka reer miyiga ah ee xoolaha leh aaney garaneynin intooda badan lacagta Dolarka ah.
Ganacsatada sarifka ayaa tan labaad ee qiimaha sarifka hoos u dhaca ku keentay ku sheegay heyaddo badan oo magaalada soo galay bilahan dambe abaaraha dalka ka awgood kuwaasoo qortay shaqaale badan oo mushaharka ku qaata dolarka, iyadoo hadal heynta ugu badan ee magaalada ay noqotay hoos u dhaca ku yimid sarifka dolarka iyo qiimaha badeecadaha la kala iibsado oo aan waxba iska bedelin, waxaana saameynta noocan ah aaney taabanin dadka muruqmaalka iyo farsamayaqaanada ah ee aan ku xisaabtamin dolarka oo iyagu Joornaatigooda ku qaata shilin Soomaaliga.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...