Friday 28 October 2011

Madaxweyne Shariif oo Beeniyey inuu Al-Shabaab Xiriir Dhow La Leeyahay (Dhageyso)


Share
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyey eedeyn iyo tuhun uga yimid dawlada Kenya kaasoo sheegayay in madaxwenaha DKMG Soomaaliya uu xiriir dhow la leeyahay kooxda Al-Shabaab oo dawlada Kenya ay dagaal kula jirto.
Dhowaan ayaa wasiirka gaashaandhiga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji wuxuu si kulul u dhaleeceeyey madaxweyne Shariif isagoo sheegay in looga baahan yahay inuu soo kala cadeeyo haddii uu xirrir kala dhexeeyo Ak-Shabaab iyo inuu ka soo horjeedo maadaama beesha caalamka ay dagaal kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Haddaba madaxweyne Shariif ayaa eedeyntasi kaga jawaabay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya isagoo sheegay in wasiirka Kenya looga looga fadhiyo inuu soo kala cadeeyo eedeyntiisa iyo meesha uu madaxweyne Shariif ku noqday Al-Shabaab.
Dhageyso hadalka madaxweyne Shariif
 
Jawaabta madaxweynuhu uu ka bixiyey eedeynta loo soo jeediyey ayaa ku soo beegantay iyadoo si weyn loo hadalhayo isbedelada dhanka amaanka iyo talaabooyinka militari ee la doonayo in Al-Shabaab looga guuleysto kuwaasoo mararka qaar fashilma, waxaana arintaasi lagu tuhmaa dhanka madaxtooyada.
Dhowaan ayaa saraakiil ka tirsan Amisom waxay safaarada Mareykanka iyo taliska Midowga Afrika u gudbiyeen cabasho ku aadan in madaxweyne Shariif uu diiday in ciidamada Amisom ay weeraraan deegaanka Dayniile iyo Ceelasha Biyaha halkaasoo dagaal culus oo ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Amisom uu ka dhashay khasaare fara badan.
Madaxweyne Shariif oo hore u ahaa hogaamiyihii ururkii Maxkamadaha Islaamiga ayaa la rumeysan yahay in saaxiibadiis hore ay hadda ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana mararka qaar lagu xantaa in Shariifka uusan daacad ka ahayn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska wararka Raxanreeb, Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...