Wednesday 26 October 2011

Jagadii Sheekhnimo lagu Qaado waxaa Lagu soo ceshadaa Sheekhnimo! Shariif Vs Axmed-madoobe.



Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo Salaan Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Shariif sheekh Axmed isagoo kaashanaya Midowgii Maxkamadaha buu ka takhalusay dagaaloogayaashii Hawiye. Isla Shariifka oo Maraykan, Cali C. Saalix, iyo ina Cumar Geelle taageero ka helaya baa u dhammeeyey dagaaloogihii u weynaa Daaroodka, C/Laahi Yuusuf!
Sheekhnimada aan sheegayo ma aha tii laga waday qof diinta yaqaan oo ku dhaqma! Waxay noqon kartaa wax kasta sida loo yiraahdo:
زعمتني شيخاً ولست بشيخ إنما الشيخ من يدب دبيباً
Oo ah: waxay ku doodeysaa inaan nin duq ah ahay laakiin ma ahi nin gaboobay; ninka gaboobay waa kan socodka ku tukuba!
Waxaynnu naqaannay Zenawi iyo cadowga ummadda oo maalinba meel ku shiraya dagaaloogayaashii ay ka midka ahaayeen C/Laahi Yuusuf, Qanyare, Muuse Suudi, Barre Hiiraale, iyo kuwa kale! Markii Midowgii Maxkamaduhu meesha ka saareen baa hay’adda loo soo gaabiyo RAND oo Maraykanka u qaabilsan cilmi-baarista iyo horumarka waxay soo saartay warbixin ay ku sheegeyso in gabbalkii dagaaloogayaashu dhacay hadda kaddibna loo baahan yahay in la helo wadaaddo qunyar socod ah! Iyadoo arrintaas laga duulayo baa maxkamadihii oo weli jira waxaa jirtay in Shariif iyo Axmed-madoobe oo ka mid ahaa madaxda Midowga Maxkamadaha xiriir dhow la lahaayeen safiirkii Maraykanka u fadhiyey Kenya, Michael Renneberger! Markii meesha laga saaray Midowgii Maxkamadaha waa la ogaa in Shariifna loo duuliyey Nairobi; Axmed-madoobana isagoo dhaawac ah loo qaaday Addis Ababa! Maxaa iyadoo dumar Muslimiin ah u xiran yihiin Tigreega; huteellada loo dajiyey Axmed-madoobe?
Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa hogaanka siyaasadda Daarood u hayey Harti Daarood khaasatan Majeerteen halka Habar Gidir u heysay hogaanka qabiilka Hawiye. Maaddaama la galay sabankii “sheekhnimada” waxaa cimaamado soo qaatay Shariif sheekh Axmed oo Abgaal ah iyo Axmed-madoobe iyo Ibraahim-dheere oo Absame ah. Inkastoo Hawiye kale heystaan “sheekhyo” sida Janaqoow iyo C/Qaadir Cali Cumar haddana labadan nin wax uma jili karaan sida Shariif sheekh Axmed! Harti Daarood ma heystaan wadaad jilaa ah oo xabbad ridi kara! Wey heystaan wadaaddo jilaa ah laakiin dagaal ma galaan!
Zenawi waa ka fahan badan yahay Kibaki! Markiiba Zenawi wuxuu faraqa ku xirtay wadaaddadii Ictisaam ee Ibraahim-dheere iyo Casoowe horboodayeen ilaa uu ku guuleystay inuu hubka ka dhigo jabhaddii Soomaali Galbeed ooy ka hoos shaqeeyaan. Taas beddelkeeda, waxay Kenya faraqa ku xiratay cilmaani Gaandi iyo dagaalooge Cabbaas! Dhowr sanay ku qaadatay in Kenya fahanto in loo baahan yahay wadaaddo ku xiran kuwa Islii jooga! Ugu dambeyntii waxaa Kenya u soo baxay inay isticmaasho Axmed-madoobe oo taageero ka heysta wadaaddada Islii jooga!
Axmed-madoobe wuxuu ku qanciyey Kablalaxa inuu yahay ninka keliya ee la xaali kara Shariif sheekh Axmed maaddaama uu yaqaan dhaqankiisa ileyn saaxiibbo bay ahaayeene! Wuxuu Axmed-madoobe u ballan qaaday Kablalaxa hadday ku daba feylaan in sidii Shariifku jagada uga tuuray C/Laahi Yuusuf iyadoo bilo u harsan yihiin inuu isna Shariifka ka tuuri doonno jagada isagoo bilo u harsan yihiin!
Qabiilka Sade sida Harti Daarood bay la soo shirtageen dagaaloogayaal! Barre Hiiraale, Cabbaas, iyo Maxamuud Sayid bay iska soo hor mariyeen! Ma heystaan wadaaddo la mid ah Axmed-madoobe iyo Ibraahim-dheere. In kastoo Maxamuud Sayid wato Tigreega laakiin Maxamuud Sayid ma heysto wadaado ka taageera Nairobi, Garoowe, iyo Hargeysa! Waad ogaydeen in Maxamuud Sayid dareemay sheekada Axmed-madoobe iyo Kablalaxa! Wuxuu yeeriyey firimbi isagoo ummadda Soomaaliyeed tusaya in Kenya iyo Kablalax u socdaan Kismaayo!
Dhowr maalmood Shariifku kama jawaabin seerigii uu Maxamuud Sayid ku dhuftay! Waxaa ka mid ah daciifnimada Shariifka in markii Wasiirrada Kenya tageen Xamar uu awoodi waayey inuu hortooda ka sheego wuxuu tabanayo! Beddelkeeda, C/Weli Gaas oo Kablalax ah buu u sheegay inuu Kenya u dhammeeyo danteeda! Shariifku wuxuu rabay inuu hadhow dadka u tuso in C/Weli Gaas iyo Axmed-madoobe howsha wataan oo isku xiran yihiin!
Shariifku markuu arkay Axmed-madoobe oo Kenya wata oo qabsaday dhul ka weyn kan Shariifka iyo Amisom heystaan buu af labadi yeeray isagoo leh: Kenya waddanka waa iska soo gashay! Waa goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen! Goormaa gaaladu ruqsada ka dalbi jirtay gelitaanka Soomaaliya? Soowse Kenya ma oran: waxa Amisom hoos jooga waa carruurtoodii! Goormaase aabbe weydiin jiray dhallaankiisa wuxuu ku sameynayo xaaskiisa iyo gurigiisa?
Waxaa saacado yar kaddib ka jawaabay hadalka Shariifka wasiirka gaashaandhigga Kenya oo isna Kablalax ah! Wuxuu yiri: Shariifku ama adduunka wax hala qabsado ama “argagixisada” ha raaco!
Maanta oo Talaado ahayd 27 Dul Qacdah 1432 oo ku beegan 25/10/2011 baa Axmed-madoobe hadlay isagoo ka dabaakhaya hadalkii Shariifka! Axmed-madoobe wuxuu ka gar helay Shariifka isagoo leh: adba ciidamo Ugaandha iyo Burundi u dhashay baa kuu qabtay xaafado badan oo Xamar ahe; haddii Kenya ii qabatay magaalooyin Jubbooyinka iyo Gedo ku yaal maxaa ku jaban? Ma gaaladayada baa ka duwan tiinna?
أكفاركم خير من أولئكم أم لكم براءة في الزبر
Ilaahay amarki, Shariifku wuxuu iska nuugayey in muddo ah lacagta Ashahaado-la-dirirka Xusni Mubaarak, Bin Cali, Qadaafi, Cali Cabdalla Saalix iyo Rajib Dayib bixin jireen! Afarta hore Ilaah baa naga kaafiyey! Kan Turkiga oo isna la celin waayey oo Shariifka bakhti afuufay waxaa hadda heysta masiibo Rabbaaniya! Waan ka damqaneynnaa musiibada ku habsatay dadkaas dhul-gariirku ku dhacay laakiin waa mid Rajab ka mashquulin doonta arrimaha Soomaaliya! Deeqda Turkigu bixiyo waxaa qaata Amisom iyo Calal-uusta maaddaama reer Galbeedku dhaqaalo beeleen! Turkigu gumeysi buu u socdaa iyo inuu helo carruur Soomaaliyeed oo la soo baro luuqaddiisa sida gaalada kale u heshay dad qaxooti ugu nool waddamadooda oo soo bartay luuqadahooda!
Shariifka oo is lahaa hal sano baa iska sii joogeysaa, sidoo kalana niyadda ku hayey hadduu Museveni ku xiran yahay isagaa dib loo dooran doonaa shan sano isagoo noqonaya madaxweyne buuxa oon ahayn ku-meel-gaar baa hadda arkay in arrintu suu u qabay aysan ahayn! Hadda duullaanka Kenyaa ka daran kan Amisom! Qof kasta waa ogyahay inaysan Kenya dabo socon haweenay Faransiis ah oo la afduubtay ama labo Isbeyn u dhashay! Waxaa wada inay Nuurka Ilaahaynna damiso sidoo kalana loo cabbiro badda Soomaaliyeed say shidaal uga qodoto! Yaa damin kara Nuurka Ilaahay?
Ilaahay Amarkii, gaaladii loo qabay inay isku danta yihiin baa hadda madaxa isla galay! Ugaandha, Burundi iyo Tigreeg baa arkay iyadoo Kenya uga dheereysay arrimaha Soomaaliya. Waxa Maxamuud Sayid iyo Shariif afuufaya oo ka hadlinaya waa Zenawi iyo Museveni say u kala horreeyaan! Waa sida Qur’aanku u sheegay:
بأسهم بينهم شديد تحسبهم جميعاً وقلوبهم شتى ذلك بأنهم قوم لا يعقلون
Marka gaalaraacyadii laga waayey inay naga daayaan gaalada lasoo gelinayo waddanka; insha Allaah waxaa la arki doonaa iyadoo midba gaalada qolada kale wadato dhalleeceynayo! Marka Shariifkuna ha ka hadlo Kenya; Axmed-madoobana Ugaandha! Ma la gaaray markii dadka nimankaas taageersan ogaan lahaayeen inaan gaalo kala jecleyn Soomaali! Ma habboon tahay inaan diinteenna, dalkeenna, iyo dadkeenna difaacanno?
C/Waaxid C/Laahi Khaliif

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...