Tuesday 25 October 2011

FAARAX MACALLIN: "Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa bixiyay amarka lagu saxiixay heshiiska ay Kenya ku gashay Soomaaliya"

 



Talaado, Oktoobar 25, 2011 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ku galeen gudaha dalka Soomaaliya heshiis dhexmaray xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya iyo tan Kenya.

Faarax Macallin, wuxuu sheegay in madaxweyaha Soomaaliya Sheekh Shariif uu bixiyay amarka lagu saxiixay heshiiska lagu ogolaanayay inay ciidamada Kenya ka gudbaan xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayna la dagaalamaan Al-shabaab.
"Al-shabaab 13-kii sano ayay kusoo duulaysay dalkeenna oo ay dhibaatooyin kala duwan u geysanaysay shacabkeenna, umana dulqaadanayno inay taasi sii socoto," ayuu yiri Faarax Macallin oo sheegay in haddii dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay awood u leedahay inay sugto ammaanka dalkooda ay ciidankooda la baxayaan haddii kalena aysan baxayn inta ay amaanka dalka sugayaan.
"Ma sugi karaa isaga (Sheekh Shariif) ammaanka Kenya intuu ciidamada mushaarkooda siiyo, waayo iyaga ayaysan dhaafayn wixii loogu dhiibo, waa tii markii ciidamadooda ay gaajoodeen ay hubka ka iibsanayeen Al-shabaab," ayuu yiri Faara Macallin.
Guddoomiye ku xieenka Kenya ayaa sheegay in sababta ay ciidamada Kenya u galeen Soomaaliya ay tahay sidii loo sugi lahaa ammaanka shacabka Kenya iyo shacabka Soomaaliyeed.
"Ciidammada Kenya galitaankooda Soomaaliya waa wada-xaajood dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya markii ay maalmo ka hor tageen Muqdisho wasiirrada difaaca iyo wasiirka arrimaha dibadda, isaga (Sheekh Shariif) ayaana amar ku siiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya inuu saxiixo warqadda lagu ogolaanayay inay ciidamada Kenya ay geli karaan Soomaaliya," ayuu si cad u yiri Faarax Macallin.
Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya wuxuu sheegay inuu yahay qorshaha ay ku galeen Soomaaliya sidii ay isaga badbaadin lahaayeen khataraha kaga imaanaya Al-shabaab, isagoo sheegay inay dalkooda falal amaan-darro ka wadeen tan iyo sannadkii 1998-kii.
"Waxaa la yaab leh - madaxweynaha (Sheekh Shariif) inuu shalay dunida ka dalbay in wax lagala qabto Al-shabaab, maantana isagoo ay AMISOM gurigiisa ku ilaalinayso inuu ka xumaado jabka loo geystay Al-shabaab," ayuu yiri Macallin.
"Dowladda KMG ah ujeedadeedu ma waxa weeye inay halkaas iska fadhido oo aysan doorasho dhicin oo markii uu sanad u dhammaado muddada loo kordhiyo, taas inagu ma ogolaanayno mana joogi karno, waayo haddaan dalka waxba laga qaban shan kun oo Soomaali ah baa nagu soo jabaysa," ayuu yiri hadalkiisa raaciyay.
Mr. Faarax Macallin oo ay si aad ah isugu dhawaayeen madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu hadalkiisu iimaanayaa xilli uu shalay Sheekh Shariif ka sheegay Muqdisho inaysan u dulqaadanayn faragelinta ay Kenya ku sameynayso Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...