Sunday 23 October 2011

Faahfaahin ka soo Baxaysa Qarax Maanta lala Beegsaday Kolonyo ka Tirsan Amisom



 
Share
Muqdisho (RBC) Inta la og yahay hal ruux ayaa ku dhintay afar kalana way ku dhaawacmeen qarax qof ismiidaamiyey uu la beegsaday kolonyo baabuur ah oo wateen ciidamada Amisom.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Raxanreeb u sheegay in qaraxu uu ka dhacay meel u dhow isbitaalka Xooga oo ku dhow Fagaaraha weyn ee Taribuunka ee degmada Hodan halkaasoo nin xirnaa suunka qaraxyada loo adeegsado uu isku dayey inuu gadaal ka qabsado baabuurkii ugu dambeeyey kolonyada Amisom hase yeeshee ciidamadii baabuurka saarnaa ayaa rasaas ku furay ninkaasi oo isaguna isla goobtii ku qarxay.
Illaa hadda ruuxa dhintay ayaa ah ninkii watay suunka qaraxa waxaana dhaawac uu soo gaaray labo ka tirsan askarta Amisom iyo haween ah oo wadada dhinaceeda socday kuwaasoo la sheegay inuu dhaawacooda fudud yahay.
Baabuur ay leeyihiin ciidanka Amisom ayaa isaguna afka hore ka gubtay mana jirin wax khasaare ah oo askarta Amisom gaaray sida dadka goobjoogayaasha ahi xaqiijiyeen.
Ciidamo boolis ayaa gaaray goobtaasi qaraxa ka dib waxayna bilaabeen baaritaan. Waxaana weli goobta yaalla haraaga jhilbaha ninkii qarxay.
Idaacadda ku hadasha afka Kooxda Al-Shabaab ayaa duhurnimadii maanta sheegtay in qaraxaasi ay ka dambeysay Al-Shabaab. Waxayna idaacadu sheegtay in qaraxa ujeedkiisu ahaa ciidamada Amisom.
Qaraxyada noocani ah ayaa aad ugu soo badana magaalada Muqdisho waxaana sare u sii kacaya walaaca dadka ay ka qabaan dhibaatada ay geysan karaan qaraxyada noocani oo kale ah ee lala beegsanayo goobaha waddooyinka iyo meelaha ay dadku ku badan yihiin.
Waxaana dhanka kale si weyn loo dhaliilayaa hay’adaha amaanka oo aan waxba ka qaban karin illaa hadda qaraxyadan khatarta ah ee laga fulinayo caasimada xilli guud ahaan magaalada Muqdisho ay ku jirto gacanta dawlada.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...