Monday 31 October 2011

Arday reer Puntland oo Deeq Waxbarasho laga Musuqmaasuqay oo ku Xayiran Muqdisho


 
Share
Muqdisho (RBC) Arday tiradoodu gaareyso 50 arday kana soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ku xayiran magaalada Muqdisho ka dib markii laga musuqmaasuqa deeq waxbarasho heer jaamacadeed ah oo ay ka heleen dalka Turkiga.
Ardaydan oo isugu jira wiilal iyo gabdho soo dhameystay dugsiyada sare ee Puntland ayaa soo gaaray Muqdisho bishan Oktoobar horaanteedii si ay qeyb uga noqdaan arday boqollaal ahayd oo dhamaan gobolada Soomaaliya ka timid kuwaasoo deeqo waxbarasho ay u fidisay dawlada Turkiga.
Qaar ka mid ah ardaydan oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa maanta la soo xiriiray xafiiska Raxanreeb ee Muqdisho iyagoo ka cawday in si caddaalad darro ah loogu bedelay boosaskooda dad kale oo shaqo doon ah iyo qaar doonayey inay tahriib ahaan ku tagaan wadanka Turkiga ka dibna ay u baxsadaan wadamada kale ee Europe, sidaasi darteedna iyaga loo sheegay in aan waxba loo heyn.
“Waxaan ahayn illaa 50 arday oo ka kala yimid Gaalkacyo, Garowe, iyo Boosaaso markii aanu Xamar nimid ee aanu u diyaargarownay safarkii ayaa waxaa dhacay qaraxii 4-tii Oktoobar ee ardayda faraha badan ku dhinteen, markaasi ayaa waxaa dhacay isku dhexyaac ka dibna halkaas baa laga faa’ieystay oo waxaa boosaskeenii la geliyey dad tahriib u socday oo lacago laga qaatay iyagaas baana la siiyey fiisihii” sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay gabar ka mid ah ardayda oo codsatay inaan magaceeda la sheegin.
“Markii aanu u tagnay wasaaradda waxbarashada DKMG waxay noo sheegeen in wasaaradda waxbarashada Puntland ay arinta gali doonto, illaa haddana wax naloo sheegay ma ay jirto. Halkaani baanu ku dacdareysanahay oo reerahayagii uga maqanahay…” ayey hadalkeeda ku dartay ardayadaasi oo sheegtay in iyadu dugsiga sare uga baxday magaalada Gaalkacyo.
Wasaaradda waxbarashada Puntland maxay ka tiri?
Maxamuud Maxamed Idiris (Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland)
Haddaba markii cabashada ardayda na soo gaartay ka dib ayaan la xiriirnay wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Maxamuud Maxamed Idris oo hadda isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin Muqdisho. Waxaana wasiirka weydiinay waxa uu kala socdo arinta ardaydan.
“Waanu og nahay in ardsay reer Puntland ahi ku sugan yihiin Muqdisho oo deeqdii ay lahaayeen waayeen, anagu ma garan karno siuday wax u dheceen laakiin hadda arintaasi ayaanba u nimid oo waxaan kulamo la leenahay wasaaradda waxbarashada ee DKMG ah, waxaana noo socda wada hadal” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo intaa ku daray in wadahadaladu meel wanaagsan u marayaan.
Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland ayaa ka cudurdaatyay khladaadkii ku dhacay qaabkii loo soo xulay ardaydii reer Puntland ee laga soo qaaday gobolada Puntland, kuwaasoo uu sheegay in wax badani ay si khalad ah u dheceen.
“Anagu horta imtixaanka maanu qaadin oo waxaa hawshaasi gacanta ku hayey Turkiga, laakiin way jirtay in khaladaad badani jiray” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.
Dhanka kale dawlada Turiga ayaa dib u soo celisay 70 arday oo ka mid ahaa dadkii waxbarashada loogu qaaday Turkiga ka dib markii ay soo baxday fadeexad ah in dadkii arday ahaanta loo qaaday ay noqdeen dad aan wax qorin waxna akhrin kuwaasoo markii horaba  si eex ah lagu qaaday. Waxayna diyaarad sida 70-kaasi ruux toddobaadkan dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho oo ay ka soo dejisay.
Wasaaradda waxbarashada Dawlada Turkigu waxay walaac weyn ka muujisay qaabka caddaalad darrada ah ee loo maareeyey deeqihii waxbarashada ee ay sanadkan siisay ardayda Soomaaliyeed, arintaasi oo soo ifbaxday ka dib markii jaamacadihii iyo dugsiyadii sare ee Turkiga lagu arkay dad aan waxba qorin oo sheeganaya heer dugsi sare.
RBC Radio 
Xafiiska wararka Raxanreeb, Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...