Saturday 24 September 2011

War deg deg ah: Hub AMISOM ay Galguduud u dirtay oo Hiiraan lagu qabtay.



somalimemo.netWar goodhaw nagasoo gaaray wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay saanado hub ah oo Mushrikiinta Galguduud iyo maleeshiyaad Itoobiya raacsan loo weday.

Ciidamada xisbada wilaayada Hiiraan ayay u suuragashay in ay soo qabtaan hubkii ugu badnaa oo ay AMISOM ugu talagashay in lagula dagaalamo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wilaayada Hiiraan iyo Galguduud.

Ilo wareedyo ay SomaliMeMo heshay waxay xaqiijinayaan in hubkan dhanka Muqdisho laga diray balse wardoonka Mujaahidiinta ay dhaq dhaqaaqiisa la socdeen.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in hubka laqabtay uu ka koobnaa 115 qori AK47,15 qori nuuca M16-ka loo yaqaan,jawaano qasnada ah,sanaadiiq rasaas ah iyo dhowr Jawaan oo Tusbaxyada suufida Isticmaasho ka buuxaan.

Hubkan ayaa lafilayaa in saacadaha soo socda warbaahinta loosoo bandhigo wuxuuna xaqiiq u yahay in AMISOM iyo Mareykanka ay hurinayaan dagaalka ka socda Hiiraan iyo Galguduud.

Wixii kusoo kordha kala soco SomaliMeMo.NET insha'allaah

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...