Thursday 22 September 2011

Taageerayaasha DKMG ah oo ku Gacan galay Boosaaso iyo Gaalkacyo.


somalimemo.netGobolada waqooyi Bari ee dalka Somaliya ayaa waxaa kusoo badanaya dilalka ka dhanka ah saraakiisha maamulka gaalada u adeega ee Puntland arrinkaasi oo kalifay.

Iyadoo sidaasi tahay oo meel ay cagta dhigaan la'yihiin mas'uuliyiinta Puntland ayay Gaalkacyo iyo Boosaaso kusoo badanayaan dilalka loo geysanayo weriyaasha ka howlgala qaar katirsan warbaahinta Puntland.

Weriye horay uga shaqeynayay Warbaahinta DKMG ah balse hadda ka shaqeynayay Idaacadda Codka Nabadda ayaa maanta lagu toogtay bartamaha magaalada Boosaaso.

Xasan Anteeno oo sanadkan gudihiisa ka hadlay Idaacadda DKMG ah ee Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in weriyaasha mujaahidiinta ay Ciidamada AMISOM ugu yeeraan Saliibiyiin xiligaasi ayuu yiri sidan "Waa Ayaan Darro in ciidanka AMISOM ee Nabad ilaalinta ah Saliibiyiin loogu yeero"!!.

Dhawaan ayaa sidaan oo kale Gaalkacyo loogu weeraray Gabar wararka Punland ugasoo diri jirtay Idaacadda Daahir Maxamuud Gelle ee ku taal magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilaka aalaaba ka dhaca magaalooyinka uu gacanta ku hayo maamulka Faroole.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...