Monday 29 August 2011

Wariyaasha RBC Radio oo Booqday Waddooyinkii Xirnaa ee Muqdisho oo Qaarkood Dib u Furmeen (Daawo Sawiro)


Share
Muqdisho (RBC) Wariyaasha Shabakada RBC Radio ayaa maanta markii ugu horeysay booqasho ku maray qaar ka mid ah waddooyinkii caanka ahaa ee magaalada Muqdisho kuwaasoo mudo sanado ah xirnaa balse toddobaadkan dib u hawlgalay.
Wadada ka baxda KM-4 ee tagta Tarabuunka oo xrneyd 3 sano
Socodkaan oo ahaa midkii ugu horeeyey ee wariyaasha RBC Radio ay waddooyinka furmay ee Muqdisho ku maraan ayaa ujeedkiisu ahaa inaan ugu kuurgalno xaaladaha amni iyo nolosha dadka ee degmooyinkii ay baneeyeen ururka Al-Shabaab iyadoo badi degmooyinka waqooyi ee magaalada ay xaaladooda haatan caadi ku soo noqoneyso.
Dugsigii sare ee Banaadir oo ka mid ah meelihii dagaaladu saameeyeen
Waxaan safarkeena ka bilawnay isgoyska KM-4 anagoo baabuur ku socona ayaan u dhaqaaqnay wadadii isku xiri jirtay KM-4 iyo Taribuunka halkaasoo ka mid ahayd meelihii ay dagaaladu ugu daran ay ka dheceen mudadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay. Muuqaalka halkaasi ka jira waa mid naxdin leh, dhismihii Taribuunka gebi ahaan waa uu burburay, wadadii laamiga ahayd iyo jardiinooyinkiina waxba kama noola waqtigan.
Dadweynaha iyo baabuurta oo adeegsanaya wadada Tarabuunka
Fagaarihii caanka ahaa ee Tarabuunka waxaa ka soo haray intan kuu muuqata!
Dadkii aan ku arkeynay wadada hareeraheeda waxay isugu jireen kuwo guryahooda soo eeganaya si ay dib ugu laabtaan iyo qaar barakacayaasha cusub ka mid ah oo iyaguna fiirsanaya meel ay xaarxaartaan hoyna ka dhigtaan.
Waa wadada tagta isgoyska KPP (Kasapopulare) oo ka mid ah jidadka muhimka ee magaalada
Wadada dhexdeeda waxaan ku arkeynay godad laga qoday oo ahaa dhufeysyo ciidan, ciid la dhigay iyo kuteenaro lagu gooyey jidka dhexdiisa. Waxaa sidoo kale aan arkaynay guryo madaafiicdu baab’isay iyo qaar ay naafeysay!.
Guri dabaq ah oo ay madaafiicdu burburisay
Waxaan dhex istaagnay isgosyka Kasapopulare oo beri hore ka mid ahaan jiray meelaha ugu camiran magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa waqtigan aan jirin dad ku nool xaafada walw ay jiraan in dadka qaar ay hadda soo laabanayaan.
Isgoyska KPP oo lo' ay cows ka daaqeyso
Masjidkii Sheekh Cali Suufi oo ku yaalla KPP

SII DAAWO SAWIRADA 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...