Saturday 27 August 2011

Hogaanka Al-Shabaab oo is bedel lagu sameeyay (Roobow iyo Afghan oo xilalka laga qaaday)

Sida ay baahisay laanta Afka Soomaaliga ee VOA Hogaanka Al-Shabaab ayaa is bedel lagu sameeyay, iyadoo xilalka laga qaaday Kuxigeenadii Hogaanka, laguna kala diray Golihii Shuurada oo xubno badan oo qarsoonaa ku jireen.

Warbixinta VOA-da ayaa lagu sheegay in iyadoo ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay heleyso ayaa Amiirka ugu sareeya Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr, oo loo yaqaano Axmed Godan uu is bedel ballaaran ku sameeyay xubno ka mid ah Hogaanka sare.

Axmed Godane ayaa u magacaabay Kuxigeen cusub nin lagu magacaabo Mahad Warsame Qaleey oo lagu naaneyso (Mahad Karataay), wax badan lagama yaqaano Mahad Karataay, hase ahaatee waxaa hoos taga Ciidamada awooda ku dhex leh Shabaab ee aadka looga cabsado ee Amniyaadka.

Gudoomiye Kuxigeenkadii hore ee Al-Shabaab sida Ibraahim Afghan iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa la sheegay in xilalkooda ay waayeen, iyadoo aan la ogeyn xilalka ay xilligan hayaan, inkastoo Ibraahim Afghan uu yahay Hogaanka guud ee Jubooyinka Shabaab u qaabilsan, isagoo looga yaqaano magaca Abuubakar Al-Saylici.

Lama oga sababta xilligan soo dedejisay is bedelka, hase ahaatee waxay taas daliil u tahay qaabka sirta ah ee ay u howl gasho Al-Shabaab, waxaana tani lala xiriirayaa is bedelada ka dhacay Muqdisho oo ay uga baxeen dhufeysyadoodii.

Hogaamiyaha Al-Shabaab ayaa si KMG ah u kala diray Golihii Shuurada oo ay ka mid ahaayeen Labada Oday ee kala ah Sheekh Xasan Dahir iyo Sheekh Xasan Turki oo horay ugu biiray Al-Shabaab, waxaana kala dirista uu dhacay waqti u dhowaa markii Al-Shabaab ka baxday Muqdisho.

Wararka ay VOA-da ka heshay ilo wareedyada ayaa sheegaya in is bedelka hogaanka Shabaab iyo magacaabista Xubinta cusub Mahad Karataay ay muujineyso awooda Axmed Godane ku dhex leeyahay Al-Shabaab oo beryihii u dambeeyay la soo warinayay inuu khilaaf soo kala dhex galay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...