Wednesday 31 August 2011

Boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo socod ku maray wadooyinka Muqdisho kadib salaadii Ciida+Sawirro



Iyadoo maanta ay aheyd maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga ayaa waxaa kumanaan ruux ay salaada Ciida kula dukadeen Xeradii hore ee Maslaxa Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, kuwaasoo dadka tujiyay.

Salaada Ciida kadib ayaa waxaa fagaaraha Xerada Maslaxa dhoolatus ku sameeyay boqolaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo ku hubeysnaa qoryaha noocyadooda kala duwan oo ay ugu weynaayeen gantaalada lidka Taangiga iyo qoryaha boobayaasha.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Cali Dheere oo khudbad u jeediyay dadkii salaada ku dukaday iyo dagaalyahanada Shabaab ayaa sheegay u hambalyeeyay shacabka Soomaaliyed farxada maalinta Ciida, in Ciidan mideeda kale uu alle dhibaatada ka dulqaado.

Cali Dheere ayaa sheegay in Ciidan ay ku soo aaday xilli midnimo buuxda ay gaareen Mujaahidiinta, ayna meesha ka baxday kala qeybsanaantii iyo magacyadii kala duwanaa ee loogu yeeri jiray, isla markaana maanta ay leeyihiin magac qura iyo Hogaamiye mid ah sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu soo hadal qaaday dhinaca dagaalada ayuu sheegay in dagaaladii dhowaan ka hirgeliyeen Muqdisho ay ku guuleysteen inay dhabarka ka jebiyaan sida uu yiri dhagartii Cadawga dalka ku soo duulay.

"Mujaahidiinta waxay dhowaan hirgeliyeen qidad cusub, iyo weeraro ay dhabarka uga jebiyeen dhagartii cadawga, waxaa la socotaan weerarada is-daba jooga ah ee ay u geysanayaan Cadawga"ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Khudbada Cali Dheere kadib ayaa waxaa min Maslaxa, Suuqa Xoolaha ilaa Ex-Koontarool Balcad dhoolatus socod ku sameeyay Boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Shabaab, oo dareyska milateriga xernaa, afkana u duubnaa, iyagoo markii dambe galay Warshada Baastada oo xarun u ah.

Tani ayaa muujineysa cudud ahaan in Shabaab wali Ciidamadooda ay ku sugan yihiin Caasimada, hase ahaatee Saraakiishooda ayaa horay ka bixitaankooda dhufeysyada ku tilmaamay mid xeelad ah.
































No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...