Thursday 28 July 2011

DEG DEG: Qafaalkii ugu Ballaarnaa oo ka Socda Degaanka Ceelasha Biyaha iyo Isgaarsiinta oo Shabaabku Mamnuuceen


Share
Muqdisho (RBC) Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa goor dhow ka bilaabay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho qafaalkii ugu ballaarnaa ee Al-Shabaab ay weligood sameeyaan.
Qof degan Ceelasha Biyaha oo daqiiqado ka hor RBC Radio u suurtagashay inay la hadasho ayaa noo xaqiijiyey in ciidamo Al-Shabaab oo wata baabuurta dagaalka oo ay saaran yihiin sameecadaha codka baahiya ayaa dadka ugu baaqaya in ay soo baxaan oo ay soo raacaan baabuurta. Waxaana baaqaasi hareer socda qafaal dhalinyarada si xoog ah baabuurta loogu saarayo.
Saraakiisha Shabaab oo sameecadaha kula hadlaya ayaa waxyaabaha ay sheegayaan waxaa ka mid ah”in dalkii la qabsaday oo ay cadow soo galeen sidaa darteedna ay dadkoo dhan dagaalka ka socda Muqdisho ka soo qeybgalaan” waa siday hadalka u dhigeen.
Saraakiisha Al-Shabaab ayaa dadka ugu baaqaya in dagaalka maanta ka socda Muqdisho ay u soo baxaan iyagoo sheegay in qofkii dagaalka ka hara loo arki doono qof aan Muslim ahayn, waa sida ay ku sheegayaan sameecadaha ay dadka kula hadlayaan.
Dhalinyaro fara badan ayaa si xoog ah lagu kexeeyey iyagoo lagu daad gureeyey gawaari waaweyn waxaana loo qaaday jiidaha dagaalka uu ka socda saaka iyadoo dhalinyarada qaar ay yihiin kuwo xitaa aan gaarin 15 jir.
Dhalinyarada ku nool Ceelasha biyaha oo ah deegaan dad fara badani barakac ku tageen ayaa bilaabay inay guryaha isku qariyaan, waxaana hooyo aan la hadlay ay ii sheegtay in wiil ay dhashay ay ku qarisay sariirta hoosteeda ka dib markii gurigeeda ay soo galeen ciidanka Al-Shabaab.
Dhanka kale ciidamada Al-Shabaab ee loo yaqaano “Xisbada” (oo ay ugu yeeraan boolis) ayaa lagu arkayaa wadada laamiga ee dhex marta deegaanka Ceelasha Biyaha iyagoo diiday in dadku ay meel ku kulmaaan. Waxaana sidoo kale dadka laga mamnuucay ku hadalka telefoonada gacanta ee mobile-ka.
Warar xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo deganaa deegaanka Ceelsha ay saaka u bexeen dhanka Afgooye.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo weli uu socdo dagaalkii saaka ka bilawday Muqdisho kaasoo hadda u muuqda inuu u gudbay dhanka waqooyi ee magaalada ka dib markii ciidamada DKMG iyo Amisom ay saaka la wareegeen fariisimo dhowr ah oo ay hore Al-Shabaab u heysteen.
RBC Raadio
La soco faahfaahinada daqiiqad kasta

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...