Thursday 28 July 2011

DEG DEG: Dagaalkii Muqdisho oo Ku sii Fiday Yaaqshiid iyo Ciidamada DKMG oo La Wareegay Fariisimo Cusub

Muqdisho (RBC) Iyadoo uu weli magaalada Muqdisho ka socdo dagaal culus oo saaka waberigii ka qarxay degmooyin ka mid ah Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku aadan dagaalka. Wariyaal ka tirsan RBC Radio ayaa soo sheegayaa in dagaalka oo saaka markii uu waagu baryey ka qarxay degmada Wardhiigley qeybo ka mid ah markii dambe uu ku fiday degmada Yaaqshiid oo hore ay gacanta ugu hayeen Al-Shabaab.
Goobaha lala wareegay
Ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom oo wata taangiyo ayaa saaka la wareegay isgoysyada Siinaay, Xararyaale, Sanca iyo Afarta Jardiino oo ku wada dherersan wadada Wadnaha oo marta bartamaha magaalada Muqdisho.  Waxayna tani ka dhigan tahay in suuqii weynaa ee Bakaaraha uu gadaal u maray ciidamada DKMG iyo Amisom.
Haddii ciidamada DKMG iyo Amisom ay gaaraan Stadium Muqdisho waxay taasi suuragal ka dhigeysaa in labada jid ee Soddonka iyo Warshadaha oo ah labo wado oo aad muhim u ah ay galaan gacanta DKMG.
Taliyaha guutada madaxtooyada ee DKMG C/laahi Cali Caanood oo goor dhow u waramay idaacadda ku hadasha afka dawlada ayaa sheegay in ciidankoodu uu haatan ku sugan yahay suuq Bacaad iyo agagaarka hotelkii Towfiiq oo ku yaalla degmada Yaqshiid.  Wuxuuna intaa ku daray in ay ku sii wajahan yihiin dhanka Stadium Muqdisho oo saaran wadada Warshadaha.
Wariye ka tirsan RBC Radio ayaa sheegay in isaga iyo koox wariyaal ah haatan ay gaareen isgoyska Sanca ayna goor dhow soo gudbin doonaan sawirada jiidaha dagaalka uu ka socdo.
Goob jooge ku sugan agagaarka Miisaanka Dhuxusha oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ayaa RBC Radio telefoonka ugu xaqiijiyey in rasaas xoogan ay haatan ka socoto deegaankaasi. Wuxuuna goob joogaha intaa ku daray in isaga uusan bannaanka u bixi karin.
Weli ma cadda tirakoobka khasaaraha dagaalka maadaama rasaastu ay weli socoto ayna jiraan duqeymo barbar socda dagaalka.
Waqtiga dagaalka
Dagaalkan saaka ka socda Muqdisho oo u muuqda mid waqti yar socday ayaa haddana guusha ay gaareen ciidamada DKMG oo kuwa Amisom marka la eego waxay muujineysaa sida ciidanka Al-Shabaab oo hore u ahaa kuwo xoogan ay jabeen oo awoodooda ay aad u wiiqantay waayadan dambe.
Waxaana dagaalka uu ku soo beegmay xilli magaalada Muqdisho ay la ciirciireyso kumaan ruux oo Soomaali ah oo ka qaxay abaaraha ka jira koonfurta dalka kuwaasoo aan hoy iyo cunto heysan ayna ku jiraan carruur iyo hooyooyin qaarkoodna habeen kasta ay gaajo iyo cuduro u geeriyoonayaaan.
Faahfaahinta ku soo kororta la soco RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...