Saturday 28 May 2011

Wasiirka Gaashaandhiga "Al-Shabaab awoodooda waa wiiqantay, Rasaas la'aan, dhaqaale la'aan ayaa heysa, khilaafna waa ka dhex jiraa"

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya ahna Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab awoodooda ay wiiqantay, isagoo cadeeyay in xilligan aanay u babac dhigi karin Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.

Isagoo warbaahinta kula hadlay Xaafada African Village oo shalay ay la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay in Al-Shabaab ay hada soo wajahday rasaas la'aan iyo dhaqaale la'aan, isagoo xusay in dhexdooda uu khilaaf ka dhex jiro.

"Al-Shabaab awoodooda waa wiiqantay, waxaa la gaaray xilligii laga ciribtiri lahaa dalka, qorshaha aan wadno waa ballaaran yahay, waa sidaan uga xoreyn laheyn Muqdisho"ayuu yiri C/xakiin Xaaji Fiqi.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay aysan heysan wax daawo ah oo ay ku dabiibaan dhaawacyadooda, isla markaana uu go'ay dhaqaalihii ay ka heli jireen Ururweynaha Al-Qaacida sida uu hadalka u dhigay.

"Waqtigii laga taqalusi ayaa la gaaray, kooxahaas Khawaarijta hada waa daciifeen, Ciidamadeena runtii aad bey u tababaran yihiin, hub casri waa wataan"ayuu yiri C/xakiin Fiqi oo ka hadlayay tayada Ciidamada Dowladda xilligan u leeyihiin.

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa ku sii siqaya goobaha ay ku sugan yihiin Xarakada Al-Shabaab, iyagoo shalay la wareegay fariisimo cusub oo ahaa kuwii ugu ballaarnaa ay mudooyinkan ka qabsadaan Shabaab.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...