Sunday 29 May 2011

Kulan looga arrinsanayay Mustaqbalka Suuqa Bakaaraha oo gudaha Suuqa ku dhaxmaray Wilaayada Banaadir iyo Ganacsatada (Dhagayso).


MUQDISHO:-
  Kulan balaraan aya maanta magaalada Muqdisho ku dhaxmaray wilaayada Islaamiga Banaadir iyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha kaasi oo looga hadlayay arrimo khuseeya ganacsiga.
Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ganacsatada Gobolka Banaadir gaar ahaan suuqyada Bakaaro iyo Suuq Bacaad waxayna ku marti qaadeen mas’uuliyiinta wilaayada Banaadir.
Waaliga Banaadir Sheekh Muxamed Abuu Cabdi Raxmaan ayaa goob joog ka ahaa madasha kulanka iyo ganacsato waaweyn oo caan ka ah Muqdisho.
Ganacsatada iyo wilaayada Banaadir ayaa isla gorfeeyay sida ugu muhiimsan ee loosii wedi karo howlaha ganacsi ee bulshada loo hayo xiligan adag oo ay caasimadda ka socdaan dagaallo.
Waaliga Banaadir oo gaba gabadii saxaafadda kula hadlay madasha kulanku ka dhacayay oo aheyd suuqa Bakaaraha Muqdisho ayuu waaliga Banaadir balan ku qaaday in mujaahidiinta ay difaacayaan hantida umadda islamarkaana ay ku dadaalayaan kobcinta ganacsiga.
Mid kamida ganacsatada Suuqa bakaaraha ayaa isna balan qaaday in ganacsatadu ay taageersan tahay Jihaadk balse loo baahanyahay in gaalada Afrikaanta ah laga fogeeyo goobaha ganacsiga.
Halkaan ka dhagayso Codka Waaliga Banaadir shirkii Bakaaraha
Halkaan ka dhagayso Mowqifka ganacsatada Bakaaraha iyo Jihaadka
Xigasho: Somalimemo
Somalimidnimo.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...