Sunday 29 May 2011

Faroole iyo Shariif Xasan oo diidan shirka magaalada Muqdisho.

NAYROBI:- Warar hoosaadyo laga helayo magaalada Nayrobi ayaa muujinaya in ay dhaceen kulamo looga soo horjeedo wada hadalada magaalada Muqdisho, la doonayo in ay ku qabato dawladda KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaana Golaha Xukuumada ee KMG ah.
Shirarkan waxaa qaban-qaabiyay Madaxweynaha Maamul gobaleedka Puntland C/rixmaan Faroole iyo Afhayeenka baarlamaanka KMG ah ee magaalada Muqdisho Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ka soo horjeeda Siyaasada Shariif Axmed iyo Farmaajo ay ku doonayaan in ay shirweyne ku qabtaan magaalada Muqdisho.
Shir si gaar ah udhexmaray Ergayga QM uqaabilsan Soomaaliya Mahiga, Faroole iyo Shariif Xasan, kana dhacay magaalada Nayrobi, ayay dhinacyadu iskugu afgarteen in shirkan loo wareejiyo dalalka Bariga Africa qaarkood, loona baahan yahay in aan marnaba lugu qaban magaalada Muqdisho, markaasna ay shirka lawareegto Qaramada Midowbay go’aankiisa ito abaabulkiisa.
Mahiga ayaa aqbalay fikrada labada nin, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay in ay ka dhaadhiciyaan dawladdaha gobalka, gaar ahaana Jabuuti iyo Itoobiya, taas oo keentay in ay dhinacyadu waqtigan uduulan magaalooyinka Caasumada u ah dalalkaas.
Shariif Xasan ayaa dhaliilsan shirkaas, wuxuuna qabashada Xukuumada uarkayaa mid keenaya in uu meesha ka baxo qabashada doorashada Madaxweyne-nimada, wuxuuna door bidayaa in lugu qabto dalalka Shisheeye ayna maamusho Qaramada Midowbay.
Laakiin Mahiga ayaa la dhacsan qabashada shirka, wuxuuna dhawaan sheegay in uu isagu maamuli doono shirkaas, isagoo goor horeba shaki galiyay halka lugu qabanayo shirka iyo sida loo abaabulayo, wuxuuna sheegay in ay Masuuliyadaas saaran tahay Xaafiskiisa.
Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...