Thursday 28 April 2011

Xaalada goobihii maanta lagu dagaalamay ee Gobolka Gedo oo degan

Xaalad degenaansho ayaa caawa laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay ee Gobolka Gedo, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka jiraan duleedyada degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolkaas.

Sida ay sheegayaan wararka dagaaladii saaka ayaa ahaa kuwo cuslaa oo qasaare fara badan uu ka dhashay, kaasoo soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay, waxaana dagaalka uu si xoog leh uga dhacay deegaano ka tirsan Tuulada Gal-Barwaaqo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ka badan 10-ruux ay ku dhinteen dagaalkaas oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay ee Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Alshabaab, waxaana jira sheegashooyin iska soo horjeeda oo labada dhinac ah.

Deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa ka da'ay roobabkii guga, kaasoo muddo saacado ah uu da'ayay, waxaana la soo sheegayaa in biyo dhigeen wadooyinka.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay inay kaabiga u fulaan degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, iyagoo duleedka degmadaas la soo sheegayo inay difaac xoogan kaga jiraan Xarakada Alshabaab.

Dagaalada Gobolada Gedo iyo gobolada kale ka soconaya ayaa qeyb ka ah kuwo Dowladda KMG ku dooneyso inay kula wareegto gacan ku heynta deegaanadaas, si ay uga saarto Al-Shabaab, oo haatan deegaano dhowr ah laga qabsaday.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...