Friday 29 April 2011

DEG DEG: Rag Hubeysan oo Weerar ku Qaaday Dad Masaajid ka soo Baxay Bartamaha Laascaanood

Laascaanood (RBC) War goor dhoweyd naga soo gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in rag hubeysan ay salaadii cisha kadib caawa weerar ku qaadeen dad ka soo baxay masjid ku yaala bartamaha magaalada Laascaanood.
Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegayaa inay wateen qoryaha AK-47 halka wararka qaarna ay sheegayaan inay bastoolado ku hubeysnaayeen.
Illaa hadda inta la og yahay 2 ruux ayaa ku dhaawacantay, iyadoo labadaasi ruux mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka Somaliland ee jooga magaalada Laascaanood.
Rasaas teelteel ah oo ka dambeysay werarkaasi ayaa laga maqlay magaalada, walow aan la ogeyn khasaraha.
WIXII KU SOO KORDHA KALA SOCO RBC RADIO. Insha Allaah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...