Thursday 28 April 2011

Cabdi Qeybdiid "Shalay markii xilkii Taliyaha Ciidanka leyga qaadayay ninka leyga celin waayay Shariif ayuu ahaa, maantana waa in...."

aliyihii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliyed Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ahaa Xildhibaano iyo Saraakiil ka soo jeeda Beesha Hawiye oo shalay kulan ku yeelatay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu Doorasho u diyaar garoobo.

Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa Madaxweyne Shariif uu ahaa ninka isaga xilka ka qaaday, isla markaana uu u hogaansamay, isagoo sheegay in axdiga KMG mid aan aheyn in lagu dhaqmo aanay dooneyn.

"Shalay intaas oo xilal ah, Ra'iisul wasaare, Wasiirada, Taliyeyaal waa la badalay, go'aanka lagu badalayay, si sharci wuxuu ahaa Madaxweynaha badalayay, raggii aniga ka mid ahaa inay sii joogaan rabay waa laga badalay, waana loo hogaansamay, Shariif maanta derbiga ku yimid, xilligiina waa imid, wado furan ma jirto, in loo hogaansamo Axdiga KMG sidaan aheyn ma arko"ayuu yiri Gen. Cabdi Qeybdiid oo ugu baaqay Madaxweyne Shariif inuu isagana aqbali hadii doorasho looga adkaado xilka Madaxtinimada.

Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa sidoo kale sheegay in ninkii shalay laga celin waayay uu ahaa Madaxweyne Shariif xilka inuu sii haayo, isla markaana uu ka qaaday xilka Taliyenimada, taasna uu sharci ahaan u hogaansamay.

"Maalintii Xilka Ciidamada Booliska leyga badalaayey hal heeyskeeygu waxaa uu ahaa oo aan Madaxda Sheekh Shariif uu ka mid ahaa u soo jeediyey xilka waa xanuun badan yahay maanta anigaa bilaabaya mana jibinayo, wadadaas aan marnay waa in dadka dhan lagu dhaqaa, xiligii xilka leeyga qadayey Mudane Shariif Sheekh Axmed buu ahaa ninka laga celi waayey aniga in aan meesha beneeyo, marka maanta maxaa dhacay meesha waa meesheena meesha waa beerteena, meesha waa xamar waliba waa leys dooranayaa oo jaanis buu heystaa ee ha ogolaado” ayuu yiri yiri Gen. Cabdi Qeybdiid.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in kursiga uu Madaxweynaha ku fadhiyo uu yahay mid Beesha Hawiye, isla markaana go'aanka Beesha uu yahay mid cad, isagoo kula taliyay Madaxweynaha inuu aqbalo doorashada dalka ka dhaceysa.

Hadalada ka soo yeeraya Xubnaha saraakiisha iyo Xildhibaanada Beesha Hawiye ayaa ah kuwo culeyskooda leh, iyadoo Madaxweynaha mucaaradnimada ay kala horyimaadeen Beeshiisa ay tahay mid daaha gadaashiis uu ka taagan yahay rafiiqiisii hore Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay dariishadaha iyo daahyada ay u kala xiran yihiin.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...