Tuesday 29 March 2011

Taliyeyasha Ciidamada Booliska iyo Xoogga Dalka oo la magacaabay

Muqdisho (RBC Radio) kadib Shir aan caadi ahayn oo ay maanta yeeshen golaha Wasiirada ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Taliyayaasha Ciidamada Xoogga dalka Iyo kan Booliska Soomaaliyeed
Shirkaasi oo uu shir guddoominayay R/wasaaraha Xukumadda KMG Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Xoogaga Dalka Soomaaliyeed iyo waliba ciidamada Boliska dowlada KMG Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa loogu magacaabay jeneraal C/qaadir Sheekh Cali Diini Sidoo kalana Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal Shariif Shiikhuna Maye.
Arintaan ayaa waxa ay ka danbaysay ka dib markii dhowaan madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya uu xildhii ka qaaday taliyaashii horeee ciidamada.
Sidookale waxaan wali la soo magacaabain Taliyaasha ciidamada Asliibta iyo Nabad sugida waxaana la sheegay in iyana maalmaha dhow lagu dhawaaqi doono.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...