Monday 14 March 2011

Ciidamada Hindiya oo Sheegay inay Qabteen 61-Burcad Badeed ah

Muqdisho (RBC) Sida lagu sheegay bayaan maanta oo Isniin ah ay soo saartay dawlada Hindiya waxay ciidamada baddaee Hindiya qabteen 61 ruux oo ah burcad badeed weerar ka geysaneysa xeebaha koonfueed ee wadankaasi.
Warka ka soo baxay dawlada Hindiya waxaa lagu sheegay in ciidamada Hindiya ay isku dheceen kooxda burcad badeeda kadib markii laga warheley in burcad badeedu ay soo galeen xeebaha Hindiya.
Israsseyn kooban oo dhexmartey burcad badeeda iyo ciidanka Hindiya waxay ciidamadu qabteen 61 ruux oo ay hubkii ka qaadeen, waxayna ka soo furteen dooni kalluumeysi oo laga leeyahay Mozambique iyo 13 ruux oo ah shaqaalihii saarnaa ee lagu soo qafaalay.
Wasaarada gaashaandhuiga Hindiya ayaa sheegtay in burcad badeeda lagu qabtey meel qiyaastii 695 mile u jirta xeebata koonfureed ee Hindiya ee la yiraahdo Kuchi, Waxaana hadda lagu wadaa baaris lagu kala saarayo in burcad badeedu ay tahay Soomaali ama Yemeniyiin.
Hawlgalkan ayaa dhacay habeenimadii Axada, wuxuuna noqonayaa kii saddexaad oo ciidamada Hindiya ku qabtaan burcad badeed ku jirta badda iyadoo bishii January cidamada Hindiya ay qabteen 28 ruux oo ah burcad badeed Soomaali ah kuwaasoo weli kuxiran wadanka Hindiya.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...