Saturday 26 February 2011

Soomaalida Libiya oo aan cidina u maqneyn, dil iyo afduub lagula kacayo, rabshadaha ka jira dalkaas

Soomaalida ku dhaqan dalka Libiya ayaa xaalka ku xun yahay, kadib markii ay noqdeen dherigii labada dhinac ka gubtay, iyadoo rabshadaha ka socda dalkaas ee muddada saddexda todobaad ay saameyn xoogan ku yeesheen.

24-kii saac ee ka soo dhaafay ayaa waxaa culeyskii hayay ku sii kordhay Soomaalida, iyadoo Mucaaradka ay bilaabeen in dadka mad madow, inay guryaha ka saareen, deetana intee qabtaan warbaahinta u soo bandhigaya, iyagoo ku eedeynaya inay yihiin calooshood u shaqeystayaal la safan Xukuumada sii liiceyso ee Khadaafi hogaamiyo.

Dadka Soomaalida ayaa lagu wadaa garaacis iyo toorey, waxaana jira haween iyo ragg la dilay, qaarkoodna dhaawac xun la gaarsiiyay, kuwaas oo hada lagu daweynayo Isbitaalada Caafimaadka

Arrinta ugu daran ayaa ah in dadka madow hada takoorkii ugu weynaa lagu haayo, iyadoo Baabuurta takaasida loo diidayo, xita hadii ay dhaawacan yihiin, waxaa sii dheer in dadka saaran baabuurta waa weyn lagala dago.

Xaalada ciriiriga leh ee ay ku sugan yihiin Soomaalida ku dhaqan Libiya ayaa waxaa ugu sii daran dhanka adeega iyo xiriirka isgaarsiinta oo ay ku adag tahay inay helaan, waxaana qof walba uu cabsi dartii guriga ugala baxeyn, tiiyo hadii uu baxo lagu qabsanayo laamiga marka uu adeeg doonto.

Dalalka shisheeye ayaa bilaabay in muwaadiniintooda ay ka saaraan dalka Libiya, iyadoo Soomaalida aanay jirin dad iyo dal u maqan toona, waxaana hada walaaca heysta uu yahay dhanka baadka iyo raashinka oo gabaabsi ka sii ah, isla markaana aanay wax adeeg ah u doonan karin dibada.

Beesha Caalamka ayaa si kulul uga hadlay rabshadaha ka jira dalka Libiya, iyadoo Ciidamada Ammaanka ay adeegsanayaan xoog ay ku maquuninayaan dadka mudaaharadaya, waxaana la diiwaan geliyay dhimashada ku dhowaad kun ruux oo lala dhacay Diyaarado iyo hub waa weyn.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan gaar ah ka yeeshay xaalada Libiya ayaa ka fikiraya inay cunaqabateyn saaraan Madaxda dalkaas, sidoo kale Mareykanka ayaa ku soo rogay xayiraad dhanka socdaalka iyo hantida madaxda u taala Bangiyada Caalamka.

Madaxweynaha Libiya oo shalay meel fagaare ah kula hadlay taageerayaashiisa ayaa ugu baaqay inay difaacdaan sharaftooda, iyo dalkooda, isagoo si kulul u weeraray reer galbeedka, Khadaafi ayaa ku goodiyay inuu cagta marin doono dadka ka soo horjeeda.


Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...