Saturday 26 February 2011

"Nin Tolkiis Abgaal yahay baan ahayoo Looma-ooyaan ah,Areey waad aragtaan Anigana Jeel baan ka dhex barooranayaa ninkii Indhacadana Shariif-Joker Janan buu u dalacsiiyay baa i soo gaartay ee sidaasi ma cadaalaad baa?

Written by Administrator   
Friday, 25 February 2011 18:36

Maxamed Dheere oo xabsiga loogu sheegay in Yuusuf Siyaad Indhacadee General loo dalcasiiyay,ayaa ku calaacalay:

"Nin Tolkiis Abgaal yahay baan ahayoo looma-ooyaan ah,Areey waad aragtaan Anigan Jeel baan ka dhex barooranayaa ninkii Indhacadana  Shariif-Jokerna Janan buu u dalacsiiyay baa i soo gaartay ee sidaasi ma cadaalaad baa?ayaa laga hayaa Maxamed-Dheere oo  Jeel lagu hilmaamay,isagoo gacmaha iyo lugaha ka xiran.

Horay baan uga soo hadalnnay sababihii Tarsan iyo Shariif jeelka u dhigeen Maxamed-dheere. Sidoo kalana horay baan u sheegnnay in odayaasha iyo saraakiisha Abgaal ka shireen arrinta Maxamed-dheere oo ay Shariif ku dhaheen dhaqso u soo daa. Waqtigay u qabteen Shariif waa la dhaafay.

Sidoo kale dhowr jeer waxaa bannaanbax sameeyey haween iyo carruur dalbanaya in Maxamed-dheere la soo daayo.  Shariif dhag jalaq uma siiyeen dumarkaas.

Hadda waxaa soo baxday in intii Maxamed-dheere xabsiga ku jiray Shariifku caleemo saaray Mooryaankii dadka Shabeelada-Hoose  ka iibin-jiray Biyaha-Webiga

Waxay dad badan xasuustaan  Indhocadde inuu ahaa  ninkii Jowhar bililiqeystay asagoo ku jira Midowga Maxkamadaha markii Maxamed-dheere laga ceyrshay Jowhar. Shabaabkii ku dhexjiray Maxkamadaha afkay gacanta saareen markay arkeen Indhocadde oo kaxeystay baabuur iyo matooro cusub oo deeq loo siiyey Jowhar! Shabaabku markaas jihaaad bay u jeedeen laakiin Shariifka iyo Indhocadde waxay soo arkeen safiirka Maraykanka saad ka aragteen inuu cajalkii fiidowga ahaa safiirku yiri: waxaan la kulmay Shariifka. Waqtigaas inuu sidoo kale la kulmay Galaal iyo Indhocadde ma ahayn arrin qarsoon.

Haddaba maxaa Shariifku u xiray Maxamed-dheere halka uu darajada jananka u xiray Indhocadde? Maxamed-dheere iyo Indhocadde waa isku mid laakiin labo arrimood baa Maxamed-dheere ku dhaamaa Indhocadde:

1 Maxamed-dheere kuma qaraabto diinta oo isaga mujrinimadiisa waa caddeystaa.

2 Maxamed-dheere ma aha nin wax qarsada. Wuxuu kuu qabo saxaafadduu ka sheegayaa laakiin Indhocadde isagoo jaasuus ah buu qamiis iyo cimaamad kuu soo qaadan; wuxuu sheeganayaa inuu Jihaad ku jiro!

Haddaan Maxamed-dheere la soo deyn maalmaha soo socda  ka hor waxaa la soo weriyay in dumar badan oo Abgaal ah inay yiraahdeen:

" waxaan isku qaawineynnaa  magaalada Muqdisho goobaha aan ku banaan-baxno ilaa laga soo deynayo Siyaasiga Maxamed-Dheere ee Bahdilaada loo geystay.

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono 

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...