Saturday 26 February 2011

Dagaalo culus oo saaka dib uga qarxay degmada Beledxaawo

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal kale uu saaka dib uga qarxay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaalka saaka uu yahay mid weji kale leh oo la sheegayo inay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo Itoobiyaan ah.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inay dib u qaadeen Ciidamada Ahlusuna iyo kuwa Dowladda oo shalay ku dhiiran waayay inay qabsadaan degmada, kadib markii hujuum xoogan ay kala kulmeen Al-Shabaab.

Sida wararka sheegayaan dagaalka ayaa ka socda aagagii horay looga dagaalamay, waxaana dagaalka xoogiisa ka socdaa dhanka xuduuda Kenya oo ay ka weerar qaadeen Ahlusuna iyo kuwa Dowladda.

Dagaalka ayaa waxaa saameyn weyn uu ku yeeshay degmada Mandheera ee Xadka Kenya, oo laga maqlayo hubka cul culus ee ay ku jiraan BM-ka iyadoo dagaalkii shalay degmada Mandheere ay ku dhaceen madaafiic iyo rasaas.

La soco wixii ku soo kordha daqiiqad kasta
Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...