Saturday 26 February 2011

Bilowga dagaalka Warbaahinta ee Muqdisho iyo Dowladda oo aamusiisay Idaacada Shabaab (Warbixin)

Waa bilow kale oo dhinaca dagaalka Warbaahinta ee horay uga dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda ka soo horjeeda ee Shabaab, iyadoo loolanka dhanka dagaalada uu sii kululeeyay dagaalka dhanka afka ee Barobagaandada labada dhinac.

Tan iyo markii dagaalada ka bilowdeen Caasimada Muqdisho horaantii todobaadkan, isla markaana Dowladda KMG ay qaaday hujuum ballaaran ayaa waxaa waji kale sii yeeshay dagaalka dhanka warbaahinta.

Muqdisho waxaa ka howl galla Idaacado kala duwan oo qaarna madax banaan, kuwana ku kala hadlay afafka dhinacyada isku haya Caasimada.

Dadka Muqdisho waxay todobaadkan ku jahwareersanaayeen hadalada is khilaafsan ee Idaacadaha ka sii deynayeen dhinacyada dagaalka ku lugta leh oo guulo ka kala sheeganayeen.

Idaacada ku hadasha afka Shabaab ee IQK ayaa soo gudbinaya macluumaadka dagaalada, iyadoo wariyeyaasheeda ay jiidaha dagaalka ku sugnaayeen, Idaacada waxay gashay xaalad dagaal, barnaamijyadii caadiga ayaa noqday mid bedela xaaladaha dagaalka, waxaa sii wehliya Nashiido, iyo suugaano gabayo ah oo ka hadlay guubaabada dagaalka.

Radio Muqdisho Idaacada afka Dowladda ku hadasha ayaa iyana ahaa kuwo la saan qaadayay dagaalka, waxay dib u soo nooleeyeen Heesihii wadaniga xilligii gumeystaha, iyo suugaano guubaabo ah, kaas oo bilow u ahaa duulaanka qorsheysan ee Dowladda.

Labada warbaahin weerarkooda dagaalka afka waa sii xoogeystay labadii maalmood ee u dambeeysay, dadkana waxay ahaayeen kuwo hadba mar dhagaha u raaricinaya, si xaalada ay ugala socdaan.

Balse maanta ayaa markii u horeysay abaarihii 11-tii barqanimo la waayay codkii IQK, iyadoo mowjada Idaacada ay ka soo gashay la dul saaray Radio Muqdisho, waa tallaabo dhanka dagaalka iyo moraalka Ciidamada ay u qaadeen, kadib markii si rasmi u aamusiyeen Idaacadaas.

Mowjada FM-ka ay ka soo gasho IQK ee 102,5MHZ, waxaa la dul saaray Mowjada kale ee Radio Muqdisho ka soo gasho, ee dhirirkeedu yahay 90.00MHZ, tiiyo xaalada sidaas u muuqata ayaa labada mowjadood waxaa isku qabsaday Wariyeyaasha ka hadlay Radio Muqdisho.

Xeyndaabka Dowladda oo si weyn loogaga dhageysanayay IQK ayaa waxaa banaday Dowladda oo dulsaartay mowjadeeda Raadiyaha codkeeda ku hadla, waana ficil kale oo dhanka dagaalka warbaahinta u qaaday.

Arrintan ayay Dowladda macno badan uga dhigan tahay, taas oo dadka la socda arrimaha warbaahinta sheegayaan in dagaalka warbaahinta uu yahay mid qeyb lixaad leh ka qaadan kara dhanka dagaalada tooska iyo niyada ciidamada, si loo jahwareeriyo dhanka kale guulihiisa is daba jooga hadii ay noqdaan in lagu soo gudbiyo Iclaamka.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...