Sunday 27 February 2011

Al-Shabaab oo ciidamo iyo Hub badan saacadihii la soo dhaafay soo galiyay Magaalada Muqdisho


Muqdisho (RBC Radio) Xarakada AL-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay gurmad aad u xoogbadan waxa ay galiyeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya.
Gurmadkaan ayaa waxa uu isugu jiraa ciidamo iyo hub badan waxaana laga soo daabulayaa qaar ka mid ah gobalada wadanka Soomaaliya oo ay al-Shabaab ka taliyaan si ay ugu xoojiyaan dagaalada ka socda jiiaha magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan deegaanada Afgooye, Ceelasha biyaha iyo Balcad ayaa waxa ay sheegayaan in la arkayay ciidamo aad u farabadan oo hub cul culus sita oo ka tirsan Al-Shabaab oo soo galaya magaalada Muqdisho.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya iyo xoogaga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.
Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ahaayeen kuwo xoogan, waxa ayna dowlada KMG Soomaaliya ay sheegtay in ay yihiin kuwo qorsheysan oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan wadanka.
Guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa gashay marxalad dagaal oo aad u xoogan waxaana laga dareemaya dhinac kasta diyaar garow adag oo uu ka sameynayo magaalada, Waxaana sii xoogeysanaya welwelka shacabka Muqdisho ku harsan ka qabaan dagaalada cusub ee la isu diyaarinayo.
 RBC RadioXafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...