Saturday 26 February 2011

aalada caawa ee Muqdisho iyo Ciidamada Dowladda oo galabta dib loo soo riixay

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa degan, inkastoo mararka qaar la maqlayo madaafiic culus oo ay ridayaan Ciidamada AMISOM, kuwaas oo ku dhacaya qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo duqeynta ay tahay mid marna xoogeysaneysa marna yaraaneysa.

Dagaalada Muqdisho maanta ka dhacay ayaa ahaa kuwo saacado badan socday, iyadoo wararku sheegayaan in galabta dib looga soo riixay goobihii saaka Ciidamada Dowladda qabsadeen ee Jidka Wadnaha.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa soo qaaday galabta weerar rogaal celis ahaa, kaasoo ugu suurta gashay inay dib u caabiyaan Ciidamada Dowladda oo saaka weerar ballaaran ka soo qaaday Xarunta Madaxtooyada ee degmada Wardhiigley.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa tilmaamay in dagaalada galabta ay ku laayeen Ciidamada Dowladda, dhankoodana ay guulo ka gaareen, isagoo digniin u diray Ciidamada Dowladda oo uu sheegay in la iska soo hormarinayo oo ay gabaad u yihiin AMISOM.

Gelinkii hore ee saaka ayaa Saraakiil u hadashay Dowladda KMG, Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga waxay si rasmi u cadeeyeen inay qabsadeen fariisimaha Mucaaradka ku sugnaayeen.

Laakiin ilo wareedyada waxay xaqiijinayaan in Shabaab galabta hujuum ballaaran oo ay qaadeen dib ugu qabsadeen meelihii ay saaka soo gaareen Ciidamada Dowladda KMG oo dhanka Madaafiicda ay ku taageerayeen Ciidamada AMISOM.

Qasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ayaa ahaa mid ku koobnaa dhinacyadii dagaalamayay, maadaama goobaha lagu dagaalayay ay ahaayeen kuwo cidlo ah oo dadkii ku dhaqnaa waa hore ka qaxeen, taasoo ay adag tahay in la helo warar madax banaan.

Dhinaca kale waxaa galabta dagaalo goos goos ah laga maqlayay Wadada warshadaha, halkaas oo Ciidamada AMISOM wali baaqi ku yihiin xarunta cusub ee ay saldhigteen ee Wasaaradii gaashaandhiga, iyagoo mararka qaar weeraro la kulmaya.

Inkastoo xaalada caawa ay tahay mid degan, ayaa hadana waxaa hubanti ah in mar walba ay dhacaan dagaalo culus iyo iska hor imaadyo kale oo dhinacyadan dhex mara, waxaana aagaga ay isku hor fadhiyaan laga maqlayaa rasaasta loo yaqaano waan-joogaa.

Si kastaba ha ahaatee dagaalada muddo todobaad ka socda Muqdisho ayaanay Dowladda wali horumar aad u buuran ka gaarin, marka laga reebo dhanka Warshadaha oo waxoogaa horumar ka sameeyeen, hase ahaatee qeybihii kale ee xaafadaha, Hodan, Howlwadaag, Wardiigley iyo Boondheere ayaa sidooda u taagan oo dagaaladii awal ee jug jug meeshaa ka joog ay ka socdaan kaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...