Tuesday 25 January 2011

War deg deg ah:Koox hubaysan oo Caawa Gaalkacyo ku dishay Xeer Ilaaliyihii gobolka Mudug.

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa kadib salaadii Maqrib Afaaka hore ee Masjidul-Casiis oo dhowr tilaabo oo kaliya u jira Saldhiga dhexe ee degmada Gaalkacyo ay koox hubaysani ku toogatay xeer ilaaliyihii maxkamada darajada koowaad ee gobolka Mudug Eebe ha u raxmadee Cabdulqaadir Jaamac Xussen (Caato Nugaal),waxaana sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay qof rayid ah.

Weerarkan oo dhacay kadib Salaadii maqrib oo uu marxuumku ku tukaday masjidkan ayaa wararka kasoo baxaya waxaa ay sheegayaan inay geysteen koox hubaysan oo markii hore rasaas ku furtay Marxuumka dabadeedna dhaawacday qofka dhaawacmay oo ka agdhawaa,waxaana isla goobta ka dhacay qarax nooca gacanta laga tuuro ah.

Saraakiisha Amaanka ee gobolka Mudug ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin rasmi ah ka bixiyaan weerarkan,waxaana ay sheegeen inay imika wadaan baaritaano ka dhan ah sidii ay wax u dheceen inay ku raadjoogaan kooxdii geysatay falkan,waxaana uu falkani kamid noqonayaa falal ayaantan kusoo noqnoqonaya magaalada Gaalkacyo.

Wixii war ah ee kasoo baxa Weerarkan APL kalasoco.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...