Saturday 29 January 2011

War Deg Deg ah:Burcad Badeedii kusugnayd Garacad oo guud ahaanba banaysay & Maraakiibtii oo loo wareejiyey K/Mudug.

Garacad:(Allpuntland)-Wararka Saaka lagahelayo Tuulada Garacad oo katirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya in guud ahaanba ay xalay halkaas baneeyeen dhamaan Kooxihii Burcad Badeeda ahayd ee kusugnayd sanadihii lasoo dhaafay kusugnayd deegaankaas islamarkaasna ku haysatay maraakiib aad u badan,waxaana ay wararku intaas kudarayaan in maraakiibtii afduubka loo haystay in guud ahaantoodba loo wareejiyey Deegaano kamid ah Koonfurta gobolka Mudug.

Wararku waxay intaas kudarayaan in xalay ay deegaaankaas ka ruqaansadeen in kabadan 13-Markab oo laga lahaa wadamo ay kamidyihiin Jarmalka,Shiinaha & meelo kale islamarkaasna ay imika joogaan tuulada ceel-dhanaane oo 30-Km ujirta Tuulada Garacad islamarkaasna katirsan koonfurta gobolka Mudug kuwaas oo ay kujiraan Hubyo & meelo kale,waxaana ay maraakiibtani ahaayeen kuwii ugu danbeeyey ee ku xirnaa garacad oo ah halkii udanbaysay ee ay Burcadu ka degenayd deegaanada Puntland.

Goobjooge kusugan Garacad ayaa APL u xaqiijiyey in saaka waaberigii la arkayey gaawirda dheereeyey oo ay lahaayeen kooxaha Burcad badeeda ah kuwaas oo iyana ka baxaya tuulada garacad,waxaana uu intaas kudaray goobjooguhu in xataa imika ay Burcadu diyaar u yihiin inay dhanka beriga ugu wareegaan Koonfurta gobolka Mudug halkii ay awal kusugnaayeen Tuulada Garacad.

Ka guurista Burcad badeeda tuulada Garacad oo ahayd fariisin muhiim ah ayaa imaanaysa xili ay Saraakiisha maamulka & shacabka magaaladaasi dhawaan isku afgarteen in dagaal dhanka beriga ah lagu qaado Burcad badeeda halkaas kusugan oo dhibaatooyin ba’an kuhaysay shacabka kusugan deegaankaas,waxaana ka guuristooda garacad ay noqonaysaa meeshii u danbaysay ee burcadu ay ka baxdo oo katirsan Puntland.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...