Saturday 29 January 2011

Shabaabka Muqdisho oo Maanta soo Saaray Amaro ka Dhan ah Maqaayadaha laga Cunteeyo

qdisho (RBC) Maamulka xarakada Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa maanta shir ay la yeesheen mulkiilayaasha maqaayadaha laga cunteeyo ee ku yaalla magaalada waxay kaga dhawaaqeen illaa lix qodob oo ah amaro ku wajahan shaqaalaha iyo mulkiilayaasha maqaayadaha.
Shirkan oo ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ayaa lagu martiqaaday in ka badan 300 ruux oo ah milkiilayaasha maqaayadaha qeybaha ay maamusho Shabaab ee magaalada Muqdisho kuwaasoo maalintii shalay fariin lagu gaarsiiyey inay ka soo qeybgalanaan shirka maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha.
Sheekh Cali Xuseen oo ah waaliga Shabaab ee gobolka Banaadur ayaa ganacsatada maqaayadaha ku wargeliyey amarka lixda qodob ah ee lasoo saaray kuwaasoo ay ka mid yihiin.
1- In shaqaalaha ka shaqeeya maqaayadaha asan lahayn wax balwad ah sida Qaad ama Sigaar.
2- In shaqaalaha maqaayadaha ay timaha xiirtaan isla markaana garka siidaayaan.
3- In shaqaalaha ka shaqeeya maqaayadaha aan lahu arki karin cidiyaha.
4- In dhamaan dadka u shaqeeya maqaayadleyda rag iyo dumar ay Salaadaha tukadaan haddii kale shaqada laga ceyriyo.
5- In dhamaan shaqaalaha maqaayadaha ay heystaan buuga caafimadka.
Waaliga Al Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Xuseen oo ka hadlay shirka ayaa ku wargeliyey ganacsatadii shirkan isugu timid in amarkaasi ay u fuliyaan sidauu yahay iyadoo cidii jabisana laga qaadi doono talaabo adag sida RBC Radio uu u sheegay mid ka mid ah dadkii ka qeybgalay kulankaasi oo magaciisa ka gaabsaday.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...