Wednesday 26 January 2011

Nabadoon Axmed Diiriye oo Eedayn Kulul u Jeediyay WFB

Muqdisho RBC Radio) Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha Beelahaha Hawiye oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa eedeeyn u jeediyey Hey’ada Cunada Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan WFP.
Nabadoonka ayaa ku eedeeyay Hay’adaan in aysan gar gaar siinin dadka ay abaaruhu saamaynta kuyeesheen ee ka soo barakacay gobalada dalka.
Waxa uu sidoo kale uu sheegay Afhayeenka Odoyaasha Beelaha hawiye nabadoon Axmed Diiriye Cali dadka ka soo cararay deegaanada ay abaaruhu ka jiraan ay haatan ku suganyihiin magaalada muqdisho gaar ahaan aaga ay maamusho dowlada KMG Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in hay’adaan looga baahnaa in ay dadkaasi ka soo cararay abaaraha ay u gurmato isla markaana ay gar gaar gaarsiiso.
Hadalka nabadoon Axmed Diiriye ayaa waxa uu ku soo adayaa iyadoo haatan abaaro baahsan ay ka jiraan gobalada wadanka Soomaaliya isla markaan ay jiraan dad badan ka soo cararay deegaanada ay baaruhu ka jiraan.
Al-Shabaab oo xiligaan gacanta ku haaya inta badan gobalada wadanka Soomaaliya ayaa aygo horay waxa ay u mamnuuceen hay’adaha WFB.
RBC Radio
Xafiiska Wararka MUqdisho
Email.raxanreebmuqdisho@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...