Saturday 29 January 2011

Hargeysa: Xus Loo Sammeeyey Mujaahidiintii Fuliyay Hawlgalkii Afduubka Diyaaradii Somali Airline 1984

Hargeysa January 26, 2011 (Berberanews)- Xaflad lagu xusayay Mujaahidiintii fuliyey hawlgalkii 1984-kii ay ku afduubeen Dayuuradii Somali-Airline Arport-ka Xamar ee kala ahaa Mujaahidiinta Alle ha u naxariitee Cawil Cadami Burhaan, Baashe Muuse Maxamed iyo Axmed Waraabe, islamarkaanaa lagaga hadlayay guudba taariikh halgameedkii ururkii SNM ee dalka xoreeyay.

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Afgarad oo xalay lagu qabtay Hotelka Impirail ee magaalada Hargeysa waxaa  kasoo qayb galay gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Ciro, gudoomiye ku xigeenka wakiilada C/casiis Samaale, Boobe yusuf Ducaale, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan Siiro) C/wahaab Nakruuma, masuuliyiinta Sooyaal, Mujaahidiin iyo marti sharaf kale.

Waxaana madashaasi lagu soo qaaday dhacdada afduubka diyaaradaasi, ay xilligaa mujaahidiintaasi fuliyeen hawlgalka, islamarkaana Airport-ka Xamar ka dhacday, taasoo ay sheegeen, in ay tahay taariikh la xuso iyo guud ahaanba SNM, islamarkaana ay tilmaameen inaan taariikhda Mujaahidiintii SNM la muujiyo lana xuso xukuumad iyo shiciba.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...