Wednesday 29 December 2010

Sheekh Xasan Yacquub: Anaga iyo Ciidankeena waxaan u Soconaa Muqdisho


Muqdisho (RBC) Afhayeenka mamulka Shabaab ee magaalada Kismaayo  Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo tiro badan ay diyaarsadeen si ay weerar ugu soo qaadaan magaalada Muqdisho oo ay ku dagaalamayaan ciidamada DKMG, Amisom iyo xarakada Shabaab.
Afhayeenka Shabaabka Kismaayo ayaa hadalkan ka sheegay mudaaharaad shalay galab lagu qabtay fagaare ku yaala gudaha magaalada Kismaayo kaasoo ay ka soo qeybgaleen dadweyne tiro badan.
Mudaaharaadkaasi oo uu soo abaabulay maamulka Kismaayo ayaa ujeedkiisu ahaa in taageero loogu muujiyo kubiiristii Xasan Daahir Aweys uu ku biiray xarakada Shabaab, waxaana goobtaasi laga jeediyey khudbado ay dadka u jeedinayeen saraakiil ka tirsan Shabaabka.
“Waxaan u soo soconaa sidii aan Muqdisho uga saari lahayn inta yar ee gaalada [Amisom] ee ku hartay qeybta yar ee magaalada Xamar” ,ayuu yiri Xasan Yacquub.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...