Thursday 25 November 2010

Maamulka Gobolka Banaadir oo Hay’ado Samafal ku Eedeeyey inay Taageeraan Al Shabaab

Muqdisho (RBC) Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta hadal uu soo saaray waxaa uu eedeyn ugu jeediyey qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee caalamiga kuwaasi oo ka hawlgala dhulka ay DKMG maamusho.
Xoghayaha maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Xasan Hilowle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyey hay’adaha kala ah;- NRC, DRC, Islamic Relief, Muslim Aid, ICRC iyo Bisha cas inay si toos ah u taageeraan xarakada Shabaab oo dagaal kula jirta DKMG iyo Amisom.
“Hay’adahan waxaa cadaatay in xiriir hoose oo cadaan ah ay la leeyihiin xarakada Shabaab. Waxay siiyaab dhaqaale, waxay kaloo bixiyaan gargaarka ay keenaan qeyb ka mid ah halkii ay dadka Soomaaliyeed siin lahaayeen”, ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka u hadlay.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...