Saturday 18 September 2010

Wasiirka Tacliinta Somalia oo ka hadley khilaafka DF

Wasiirka Tacliinta iyo Hidaha Dowlada Federaalka Ali Jamac Jan-gali oo wareysi siiyey Radio Garowe ayaa ka waramey kulan maanta 17.09.2010 magaalda Muqdisho ku yeesheen xillibaano dowlada Federaalka ah & Wasiiro uu ka mid yahay Jan-gali.

Md. Jan-gali ayaa sheegey in kulanka maanta Muqdisho ka dhacey uu ahaa mid ay yeesheen xillibaanada Dowlada Federaalka kuwooda diidan kulan shaley wakiilada Barlamanka ugu yeereen Ra'isal wasaaraha horyimaado.

Ali Jamac Jan-gali oo horey xilal kala duwan uga soo qabtey Xukuumadihii Cali Maxamed Geedi, Nuur Cade & tan uu hogaaminayo Cumar C/rashiid ayaa ka mid noqonaya Wasiirada tagersan Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid.

Tan iyo intii uu bilowdey khilaafka Ra'isal wasaaraha dowlada Somalia Cumar Cabdirashiid iyo madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa labada gole la kala safanyihiin.

Dhageyso wareysiga Radio Garowe la yeshay Wasiirka Tacliinta iyo Hidaha Dowlada Somalia Axmed Jan-gali waxaana qabteywariye Suleekha.


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...