Wednesday 5 May 2010

udane Ka Tirsan Baarlamaanka Dowlada KFMG Ah Ee Somaliya Oo Wadamada Reer Galbeedka Ku Eedeeyay Qaraxyada Masaajida , Ciidamada AMISOM Ugu Baaqay Inay Dalka Ka Baxaan

Mudane ka tirsan Golaha Baarlamaanka dowlada FKGM ah ee Soomaaliya  ayaa ugu baaqay Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho inay dalka isaga baxaan, isagoo  sheegay in duqeynta Ciidamada AMISOM ay ka geystaan gudaha Muqdisho ay tahay mid khaldan ayana ujeedadoodu tahay laynta shacabka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

“Qaraxyadii ka dhacay Masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha waa kuwo ay ka dambeeyeen reer Galbeedka” ayuu yiri Xildhibaan Daahir C/qaadir Muuse Ciro, wuxuuna sheegay in dowladda KMG ah ay tahay dowlad Islaami ah iyo mid dib u heshiisiineed loona baahanyahay in arimahaasi ay ka dhiidhido.

Xildhibaanka ayaa sheegay in duqeynta Ciidamada AMISOM iyo dowlada ay u geystaan shacabka Muqdisho ay tahay mid khalad ah, wuxuuma kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ugu baaqay ayaguna  inay duqaynta ka daayaan goobaha ay degan yihiin dadka rayidka ee Muqdisho.

“Waxaan fakir ahaan aaminsanyahay in Ciidamada AMISOM aysan nabad ilaalin u joogin dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ilaaliyaan oo kaliya  sedaxda masuul ee ugu sareysa dowladda KMG ah, waxaana uu ugu baaqayaa in ay dalka isaga baxaan” ayuu yiri Xildhibaan Daahir C/qaadir Muuse Ciiro.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Masjidyo ku yaala Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, wuxuuna sheegay in dadkii ka dambeeyay qaraxyadaasi aysan aheyn dad Islaam ah, waxaana uu sheegay in qaraxyadaasi ay ka dambeeyaan wadamo ka tirsan reer Galbeedka oo Soomaaliya deganaasho u diidan

Xildhibaanka ayaa ugu danbayntii shacabka ugu baaqay in ay dulqaad muujiyaan isaga oo tilmaamay in lagu jiro marxalad adag oo dhanka siyaasada ah ilaahayna u baryahay shacabka somaliyeed in uu dhibaatada ka dulqaado.

Cabdi Qadar Nuur Maxamed Filipiin
Xafiiska Wararka Mahiigaan
Nairobi Kenya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...