Sunday 23 May 2010

Maqaal: Buuhoodle, Faroole, Shariif, Amiin Caamir

Waxgarad ka kooban aday dhaqameedyo caan ah, ganacsato, culimaa’u diin, saraakiil ciidan, aqoon yahanno iyo qaybaha kaloo bulshada sida dhallinyarada iyo haweenka ayaa shir il-yartu is qabatay iisugu yimid, si ay uga arrinsadaan xaalad adag oo si kadis u soo foodsaartay, bulsho weynta ku nool magaalada Buuhoodle.
Shir beeleedka loo wada dhan yahay, baaxadda weyn bilicda qurxuun ku darsaday, oo ayan wehelin degdeg loo agaasimey, qaab darro iyo jaawareerkii lagu yiqiin shirarka degdegga loo qabto, ma waxaa looga arrinsanayaa in lagu kala hagoogto dhiig laba beelood oo daadanaya? Maya! Ka weyn taa. Reer Buuhoodle laba arrimood ayey ka tashanayaan. Labadaas oo kale ah:
1. in ay ka baaraan degaan, madashaanna kor iyo hoos ugu qaadaa dhigaan, sidii loo heli lahaa hab iyo hanaan ay naftooda iyo degaankooda uga maadiyaan saddex cadaw oo weerar cad ku soo qaaday degaankooda.
Sii Akhri 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...