Sunday 9 May 2010

Al Shabaab oo Kismaayo Ku Xirtay Aas Aasihii Guutada Khaalid Binu Waliid (Warbixin)

Sheekh Mustafe Cali Caanood oo ahaa gudoomiyihii guutada Khaalid Binu Walood ee gobolada Jubooyinka waxaa xaley lagala baxay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Kismaayo ka dib markii ay xarigiisa soo amareen masuuliyiinta xafiiska dacwada ugu qaabilsan Al Shabaab ee magaalada Kismaayo.

Kismaayo (RBC Radio)  Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada kooxda Shabaab ee gacanta ku heysa magaaladaasi ay xabsiga u taxaabeen aas aasihii kooxda Khaliid Binu Waliid oo ka mid ah maleeshiyaadkii qabtay Kismaayo sanadkii 2008.
Mid ka mid ah dadka degaanka ah ee ku sugan Kismaayo ayaa u xaqiijiyey shabakada RBC Radio in Sheekh Mustafe Cali Caanood xaley fiidkii ay kexeysteen xoogag ka tirsan maamulka Kismaayo ee Shabaab kuwaasi oo watay gaadiidka tiknikada, waxaana Sheekh Caanood lagu xiray mid ka mid ah xarumaha maamulka Shabaab ee Kismaayo oo aaney noo suuragalin inaan ogaano.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xariga Sheekh Mustafe Cali Caanood iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Sheekha lagu soo eedeyey inuu darsi diini ah ka bilaabay mid ka mid ah masaajidada magaalada Kismaayo isagoo aan la socodsiin xafiiska dacwada ee maamulka Shabaabka Kismaayo.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in saraakiisha dacwada Shabaabka u qaabilsan ay amreen in la soo xiro Sheekh Mustafe Caanood ka dib markii ay sheegeen in wadaadku uu dhawaanahan dambe bilaabay inuu jeediyo muuxaadarooyin ka dhan ah fikradaha Al Shabaab ee ku aadan arimaha culimada iyo diinta, taasi oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo khaldan.
Sheekh Mustafe Cali Caanood waxaa uu ahaa ninkii aas aasay guutada la magac baxday Khaalid Binu Waliid oo ka mid ah kooxihii Islaamiga ee dagaalka la galay maamulkii Dooxada Jubbada sanadkii 2008, xilligaasi oo ay dagaal uga qabsadeen magaalada Kismaayo maamulkii Dooxada Jubba oo uu hogaaminayey Col. Barre Hiiraale.
Guutada Khaalid Binu Waliid waxay si firfircoon uga qeybqaadatay dagaaladii ka dhacay qeybo ka mid ah Jubbooyinka iyo sidoo kale gobolada Bay iyo Bakool kuwaasi oo Shabaab ay ku qabsatay degaanadaasi. Waxaana waagii dambe ay guutadaasi ku biireen kooxda Shabaab ee gacanta ku hayey maamulka Kismaayo
Sii Akhri.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...