Sunday 25 April 2010

DOOD FURAN: Shariif Xasan Wuxuu Ka Aargudanayaa Sheekh Aadan Madoobe!

Khilaafka ka dhex taagan xubnaha barlamanka Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya iyadoo ay jiraan aratiyo kala duwan oo ay kala qabaan xildhibaanada barlamanka.
Xildhibaanada ka hor imaadsan gudoomiyaha barlamanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku doodaya in gudoomiyaha waqtigiisii uu dhamaaday sidaasi darteedna ay waajib tahay in la qabto doorasho kale oo lagu dooranayo gudoonka. Haddii uu markaasi isa soo sharaxo Sheekh Aadan Madoobe ay suuragal tahay.
In ka badan 300 oo xildhibaan oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii [22-04-2010] soo saaray mooshin ka dhan ah gudoomiyaha barlamanka. Waxaana mooshinkaasi ay xildhibaanada u gudbiyeen madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay mooshinka ayaa ku tilmaamay mid aan sharci ku fadhin isla markaana ay ka dambeeyaan dad uusan carabaabin. Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu isagu yahay gudoomiyaha barlamanka o sharciga ilaalinaya illaa hadda.

SII AKHRI

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...